28th March 2024  admin  Category :

Wiilka reer Jigjiga ee magaca Soomaaliyeed kor u qaaday: Soomaali lagu bartay tuugo iyo isdaba maris.

Wiil yar oo lagu magcaabo Guuleed Ibrahim kana mid ah wiilasha ku shaqaysta Bajaajka magaalada Jigjiga. Ayaa hooyo Soomaaliyeed ay Bajaajkiisa uga tagtay ama ku ilowday lacagta Birta ee Itoobiya laga isticmaalo oo gaaraysa 300,000 ($6,700) .

Hooyadan ayaa lacagta u rabtay inay u isticmaasho daryeel caafimaad oo ay isku daawayso iyada iyo wiilkeeda oo xanuunsanaya (waxay soo iibssatay qaar ka mid ah xoolaheeda si ay lacagta daawada u hesho)

Dareewalka Bajaajka ayaa hooyadan Soomaaliyeed geeyey ama dhigay Cisbitaalka Jigjiga. Isla markiiba, waxay ogaatay inay lacagtii ay ku soo ilowday Bajaajkii.

Hooyadan ayaa Iyada oo murugaysan oo wel welsan, ilmadana daadinaysa saacado badan waxa arkayey shaqaalihii caafimaadka iyo dadkii kale ee soo booqday cisbitaalka; markii danbe waa iska tagtay iyada oo rajo beel ah.

Saacado ka dib ayaa Dareewalkii Bajaajka wuxuu ogaaday hooyadii uu maanta qaaday inay Boorso lacag ah ay uga tagtay ama ku ilowday Bajaajkiisa.

Wuxuu isku sii daayey Cisbitaalkii uu ku dejiyey Hooyada wuxuuna ku wargeliyey inuu hayo lacag ay leedahay hooyo uu maanta halka keenay haddii ay jiraan qof arkay ama garanaya Hooyadaa lacagta ilowday ha la raadiyo

Markiiba waxa la bilaabay teleoono la dir diro waana la helay hooyaddii. Waxaana loo soo qaaday cisbitaalkii lacagtiina waa la siiyey. Mar kale ayeey ilmadu ka daatay: markan waxay uga daatay waa farxad.

Sheekadan ayaa Soomaali badan ku farxeen, ka dib markii ay dhegahooda ka badatay Biliqo , xatooyo xoolo daweyne iyo Siyaasi doonaya inuu maalmo yar ku taajiro oo tuug ah.

Hadaad Geesigan xalaal quutaha lacag ugu deeqayso

Copy HTML code

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*