26th July 2024  admin  Category :

Wiilka qoyskiisu aysan Muslim ahayn ee ku guuleystay tartanka Qur’aanka Kariimka

Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay tartanka Qur’aanka Kariimka, oo ka qeyb galeen ardey ka badan kun, kuwaasoo isaga kala yimid Waqooyiga Ameerika.

Tartankan Imam Al-Shatibi oo sanadle ah ayaa waxaa lagu bixinayaa abaalmarinno qaali ah.

Ilaa 500 oo arday ah ayaa ku tartamayay jusaska Qur’aanka, inkastoo ay u badnaayeen arday ka kala timid dalalka waqooyiga Mareykanka, haddana waxaa jiray kuwo uga soo qeybgalay aaladda Zoom-ka.

Tartankan oo sidoo kale ay arday Soomaali ah ka qeybgaleen, ayaa waxaa sidoo kale jiray kuwo caddaan ah oo kaalimo sare ka galay tartanka.XAYEYSIINhttps://7a7f1930de6d7d687273f7d8fc2335f2.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html

Sheekh Cabdiraxmaan Cabdi Yuusuf oo ka mid ah waaliddiinta ay muddada dheer carruurtooda ka qeybgalayeen tartankan, kana soo safray dalka Kenya oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in wiilkiisu uu tartankan ka qeybgalayay muddo uuna kasoo bilaabay jus Camma.

“Muhiimadda iyo weyninka uu Qur’aanku leeyahay darteed ayaan uga nimid meeshaas,” ayuu yiri.

Wiilkiisa Cabdullaahi Cabdiraxmaan oo ka mid ah carruurta ku dhalatay dalka Mareykanka ayaa kaalin ka galay tartanka.

Tartanka Qur'aanka

Feysal Camuudi oo ka mid ah howlwadeennada tartanka ayaa BBC-da la wadaagay ardayda gashay kaalmaha sare:

1. Juska 30, qeybta wiilasha waxaa ku guuleystay Cimraan Duka

2. Juska 30, qeybta gabdhaha waxaa ku guuleysatay Usrah Cabdulraxmaan Cabdulle oo Soomaali ah

Arrinta cajiibka ah ayaase ah in mid ka mid ah ardayda kaalmiha soo galay waxaa ka mid ah wiil caddaan ah oo qoyskiisu aysan Muslim ahayn.

Cabdulkariim Gonazalez oo kasoo jeeda lka Mexico ayaa ku guuleystay kaalinta koowaad ee tartanka 10-ka jus ee Qur’aanka.

“Waa dadaal weyn oo uu sameeyay wiilkan, waxaan leennahay hambalyo,” ayuu yiri Feysal.

Maxamed al-Khadiib oo ah adeerka Cabdulkariim ee hooyadiis qaba ayaa sheegay inuusan fileyn guushan uu gaaray wiilkiisa.

“Markii la tirinayay ardayda kaalmaha gashay waan ka weynay, qofkii shanaad, afaraad, saddexaad iyo labaad. Markii magaca koowaad ee Cabdul….la yiri waxaan is iri wiilasha Soomaalida amay yihiin. Subxaanallaah Cabdulkariim ayuu noqday,” ayuu yiri.

Siyaad
Qoraalka sawirka,Cabdulkariim Gonazalez (m) iyo adeerkiis Maxamed al-Khadiib

“Runtii wax fudud ma ahayn in Cabdulkariim uu Xaafid noqdo, aniga dhan dareen ayaa i saaqay,” ayuu yiri.

Cabdulkariim oo 14 jir ah ma aha qof ku dhashay Islaamka laguna koriyay, sidaas darteed ma ahayn wax fudud inuu heerkan gaaro, sida uu adeerkiis sheegay.

“Ma aha wax fudud in adigoo carrabkaagu Isbaanish u bartay oo aan Carabi aqoon aad barato Qur’aanka,” ayuu yiri.

“Waxaan is barannay isagoo 11 sano iyo bar jira, wuxuu kasoo jeedaa qoys aan Muslim ahayn. Ma ogtahay dadka Mexico badankood waa Catholic (farac ka mid ah diinta Kirishtaanka) hooyadiis ayaa noqotay Muslim, isaguna Muslim ayuu noqday markii uu yaraa. Alxamdulillah Ilaah ayaa u fududeeyay,” ayuu yiri.

Maxamed ayaa sheegay in isaga iyo Cabdulkariim hooyadiis ay ka caawiyeen wiilkan inuu noqdo wiilkii ugu horreeyay ee Mexican ah ee tartanka Qur’aanka heerkan ka gaara.

Hooyadiis oo aan tartanka ku wehlin iyo dhammaanba qoyska kale oo aan Muslim ahayn ayaa toos u daawanayay Cabdulkariim.

“Ilaah ayaan ka baryayaa inuu noo fududeeyo in isaga dartiis ay kusoo Islaamaan qoysaska kale.” Ayuu yiri.

Waaliddiinta ayuu kula dardaarmay inay carruurtooda baraan Qur’aanka ayna tahya ammaano saaran waalid walba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*