26th April 2024  admin  Category :

Saxiixa Madaxweynaha Puntland oo 2 Sano si tuuga ah looggaga been Abuurtay Gadiid iyo Alaabo ganacsi oo Canshuur dhaaf loo samaytay kuwaas oo aan waxba ka jirin.

Waxa xabsiga loo taxaabey taliyihii laanta ilaalada canshuuraha Puntland,Sidoo kale waxaa xilkii laga qaadey sarkaal kale oo lagu sheegay derajadiisa maamulaha cashuuraha berriga ee gobolka Bari waxaana loo jarey waaran Boolisku ku soo qaban karo, kadib markii lagu qabtey iyaga oo gacmaha kula jira fadeexad musuq-maasuq ah.

Xariga saraakiishan ayaa la xiriira fadeexad iyo musuq-maasuq lagu qabtey taas oo ay ka fuliyeen dekadda magaalada Boosaaso.

Taliyaha laanta ilaalada cashuuraadka Axmed Cabdi Sugulle oo dadku u yaqaano Xiirane ayaa maalintii isniinta laga reebay diyaarad uu u raaci lahaa magaalada Muqdisho siduu sheegay sarkaal ka shaqeeya garoonka diyaaradaha Bosaso.

Denbibaarista ayaa ku wargalisay inuusan ilaa amar danbe ka bixi karin gurigiisa balse waa uu jabiyay amarkaas ,waxaana laga soo qabtey guri kale ka dib amar kasoo baxay taliska dhexe ee ciidanka booliska Garowe, wuxuuna haatan ku jiraa gacanta booliska.

Axmed Cabdi Sugulle ayaa muddo deganaa mid ka mid ah dalalka la isku yiraahdo Scandinavian-ka,isagoona darajadda ciidanka ka gaarey dowladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre laba xiddigle, wuxuuna ahaa nin si weyn ugu dhaw Madaxweyne Cabdiweli Gaas sida dadka yaqaan ay u sheegeen Warbaahinta .

Sarkaalka kale ee shaqada laga cayriyey ayaa magiciisa lagu sheegay Mahdi Muuse waxaana uu ka tirsanaa waaxda cashuuraadka berriga, wararku waxay sheegayaan in loo jarey waaran lagu soo xiri karo.

Labadan sarkaal ayaa sameeyey waraaqo been abuur ah, waxay foojar gareeyeen saxiixa Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas , waxayna dekedda kala baxeen  baxeen gawaari si cashuur dhaaf ah lagu sii daayey, kadib markii ay waaxda cashuuraha u gudbiyeen waraaqaha been abuurka ah, waxaa wararku sheegayaan in xoogaa lacag ah ay mulkiilaha gawaarida banaanka uga qaateen. Sidoo kale warqadda ay kula baxeen gawaarida ayey ku dareen lifaaq ka yimid Madaxweynaha oo isaguna been abuur ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*