29th March 2024  admin  Category :

Magaalada Yube oo ka tirsan gobolka Sanaag, ayaa lagu soo waramayaa in askari ka tirsan SNMta uu ku dilay wiil dhalinyaro ah. Askariga dilka geeystay ayaa doonayey in uu kufsado gabar u dhalatay deegaanka.

Dhalinyaro ka tirsan deegaanka ayaa isku dayey ineey ka hortagaan falkaa foosha xun ee uu geeysan rabay askarigaa SNMta ka tirsan, balse askariga ayaa xabad ku furay dhalinyaradii waxaana xabadihii ku dhintay will dhalinyaro ah.

May be an image of 1 person, standing and sky

Hadaba, magaalada Yube waxaa keenay SNMta qooleeysato isku sheegaya ineey yihiin odayaasha deegaanka. Keenitaankii beesha Isaaq ee dhulkaas waxeeys sababtay in ay beesha Isaaq markiiba ay ka billaabaan deeganadaas dhul ballaarsi ka dhashay dagaal sida deegaanka Shidan.

Waxaana xaqiiq ah in ay sii socon doonaan dilalka, kufsiga, xirxiridda, bahdilka iyo dhulbalaadhsiga ay ka wadaan SNMta deegaanadaas. Mas’uuliyadda wax kasta oo ka dhaca dhulkaas waxaa iska leh cidii keentay ciidanka SNMta ineey yimaadaan deegaanadaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*