26th July 2024  admin  Category :

Wiil isaga iyo qoyskiisaba Soomaaliya lagu takooray midabka maqaarkooda

Cilmi Bile Maxamed oo 25 jir ah oo ka hadlayay takoorka uu kala kulmayo Soomaalida xaaladda caafimaad ee loo yaqaan Albino awgeed ayaa yiri: “Dadku waxay igu dhahaan waxaa tahay dad qalato caruurta cuna, way iga argagaxeen”.

Cilmi ayaa tan iyo markii uu ka soo tagay hoygiisa miyiga ah ee gobolka Hiiraan waxa uu la tacaalayay sidii uu u heli lahaa deegaan uu ku noolaado. Walaalihiis ayaa sidoo kale la ildaran xaaladda.

“Si joogto ah ayey dadkayagu noo aflagaadeeyaan noona jirdilaan. Waa nala garaacay oo nalagu jeesjeesay midabka maqaarkayaga, timahayaga iyo indhahayaga awgii,” ayuu yiri.

“Waxa aan moodayay in aan Muqdisho ka heli doono nolol dhaanta tan laakiin waan qaldanaaa.”

Cilmi Bile waxa uu raadiyay qol uu dad la wadaago uu la dego balse waa la diidaa mar kasta.

Ugu dambeyn wuxuu ku qasbanaaday inuu bixiyo $30 doolar bishii si uu ugu noolaado qol bakhaar ah oo ku yaal degmada Xamar Weyne, oo ah qaybta ugu qadiimsan magaalada.

“Dadku waxay aaminsan yihiin inaan inkaar qabo,” ayuu yiri. “Waxay inta badan ku soo tuuraan albaabkayga cusbo iyo ukun lagu qasay biyo sababtoo ah waxay aaminsan yihiin in tani ay iga ilaalinayso iyaga.”

Cilmi ayaa ugu dambayntii ka helay shaqo nadiifiye ah makhaayad uu ka helo inta u dhaxaysa $1.40 iyo $4 maalintii.

Ma sii waarin.

Waxa shaqada laga eryay ka dib markii macaamiishu ay joojiyeen inay halkaas wax ka cunaan, iyagoo sheegay inay ka baqayaan inuu qaadsiiyo albinism-ka inkasta oo aanu ahayn cudur la kala qaado, balse ay tahay xaalad hidde-side ah.

“maqaayadaha badan ayaan isu maray anigoo shaqo kale raadsanaya laakiin qofna ima shaqaaleysiin,” ayuu yiri. “Waxaan ku dambeeyay inaan wadooyinka ka dawarsado, anigoo kor u haya boodh uu ku qoran yahay teleefankayga si ay dadku kaalmayeen lacag.”

Lacagta uu tuugsiga ka helo waa ayaa adag in uu ku daboolo cuntadiisa iyo kiradiisaba, iskaba daayee in uu iibsado muraayadaha uu u baahan yahay si uu maqaarka iyo indhaha cadceedda u nugul u ilaaliyo. Dadka qaba albinism-ka waxay leeyihiin wax yar ama maba laha waxa loo yaqaan melanin oo ah waxa midabka siiya indhaha, timaha iyo maqaarka oo inaga ilaaliya kulaylka qorraxda.

“Ma awoodo inaan iibsado muraayadaha,” Cilmi ayaa yiri. “Suuqa aan ka tuugsado waxaa ka jira boor aad u badan iyo gaadiid aad u wasakhaysan. Si joogta ah ayaan indhaha uga xanuunsadaa, aragayguna si xawli ah ayuu u sii xumaanayaa.”

“Mararka qaar dadku waxay i siiyaan hambo si aan u cuno, mararka qaarkoodna waxba ma helo.”

Waxaa burburtay riyadii Cilmi Bile Maxamed ee ahayd in uu Muqdisho u baxsado si uu lacag ugu soo celiyo qoyskiisa gaar ahaan walaalihiis oo iyaguna Albino ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*