28th March 2024  admin  Category :

Weriye Cawil Daahir Salaad oo ka tirsanaa Telefishinka Universal ayaa ku dhintay qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan shaqaalaha Universal ee Muqdisho oo maydkiisa arkay. Sidoo kale labo ka tirsanaa illaaladiisa ah iyo darawalkisii ayaa la dhintay weriyaha.

Labo qarax oo gaari loo adeegsaday ayaa saakay kadhacay magaalada Muqidisho. Kan hore ayaa ka dhacay illinka Tiyaatarka Qaranka.

Ugu yaraan 10 qof oo u badan askarta dowladda ayaa ku dhimatay qaraxii koowaad oo ka dhacay bar koontarool oo ku hortaalla Tiyaatarka Qaranka, waxayna u badnaayeen illaalada guddoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka gobolka Banaadir Maxamad Tuulax oo marayay meesha uu qaraxu ka dhacay.

Dhaawacyada ay Aamin Ambulance qaadday ayaa la sheegay inay gaarayaan 14.

Qaraxa labaad ayaa qiyaastii muddo soddon daqiiqo kaddib ka dhacay taallada Daljirka Daahsoon. Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay mas`uuliyadda qaraxyadaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*