26th July 2024  admin  Category :

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, ayaa ka hortimid xilka qaadis ay sheegeen xubno ka tirsan Golaha Degaanka Dhahar, in ay ku sameeyeen Guddoomiyaha Degmadaas Cabdifitaax Maxamed Salaad.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland waxay cadeynaysaa in xilka qaadista Gudoomiyaha Degmada Dhahar uusan ahayn mid loomaray sifo waafaqsan qawaaniinta iyo habraacyada sharciyadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ee ku xusan sharciga Law Number-7 iyo xeer hoosaadka lagu maamulo golayaasha Degmooyinka Puntland.” Ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Wasaaradda.

 Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, waxay ugu baaqday xubnaha Golaha Degaanka Degmada Dhahar in ilaaliyaan sharciga iyo Qawaaniinta ay ku dhisan yihiin, wixii khilaaf ahna lagu xaliyo hab dowli ah wixii go’aan masiiri ahna loomaro tubta iyo habraacyada sharci.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*