10th May 2024  admin  Category :

Dawladda Soomaaliya iyo beesha Isaaq maxay ka wada hadlayaan?

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar),  oo ka soo jeeda beesha Isaaq,   ayaa ka hadlay arrimaha la xiriira Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka SNM.

Mahdi ayaa sheegay mar labaad in ay dib u bilaaban doonaan wada hadaladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya in ay diyaar u tahay in wada hadalka uu dib u bilaabmo lana wada sheekeysto, si loo dhameeyo khilaafka.

Wuxuu kaloo sheegay in ay dhageysanayaan tabashooyinka Somaliland, isaga oo sidoo kale Maamulada Puntland ugu baaqay in ay wada hadal ku dhameeyaan xiisada ka taagan deegaanka “Tukaraq”, si horey loogu sii socdo. Gobolka Sool Ra’isulwasaaraha Soomaaliya intiisii kale wuxuu u xalaaleeyey neeshiisa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*