16th April 2024  admin  Category :

Waxaa qoray: Abdiwali Gooni

Wax ka baro Maamulka Galmudug!!

Galmudug waxaa la asaasay August 11,2006 xilligaas oo Madaxweyne maamulkaas u doorteen Maxamed Warsame Cali ( Kiimiko ) iyadda oo dastuurka ku qortay in mudada xil haynta Madaxweynaha tahay 3 sanno.

Saddex sanno ka dib sanadkii 2009, ayaa doorasho mar kale maamulkaasi galay waxaa Madaxweyne loogu doortay Maxamed Warsame Caalin, inkastoo uu xilka ku qabsaday Musharaxii kale Axmed Shariif Cali Hilowle, lix bilood ka dib December 28, 2009, kulan ka dhacay Muqdisho ayaa lagu soo afjaray khilaafka dheeraa ee u dhaxeeyey labada Siyaasiyin, xilka madaxtinimada Galmudug tanaasul ka sameeyey Axmed Shariif Cali Hilowle

1 August 2012- oo ku beeganeed wakhtigii doorashada ayaa mar kale Xildhibaanada Galmudug Madaxweyne u doorteen Gen. Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid iyadda oo uu la tartamay Cabdisamad Nuur Guuleed, Balse isla maalintaas waxaa Madaxweyne kale loo doortay Maxamuud Cabdi Cilmi ( Timo-kala-jeex).

Hasse yeeshe dadaalka iyo wakhtiga badan oo uu Gen. Qeybdiid geliyey Galmudug waxa ay keentay in ninkii kale ee ku haystay xilka Madaxweynaha uusan dib ugu laaban dalka isaga oo mudo dheer ku shaqeynayey magaaladda Nayroobi ee dalka Kenya. Gen. Qeybdiid waxa uu ku guuleystay qabashada shir ay yeeshan 3 maamul ee ka talinayey Galgaduud iyo qeyb ka mid ah Mudug kuwaas oo kala ahaa Ximan-Xeeb, Ahlu Suna iyo Galmudug, midaas oo dhashay in Galmudug degto magaaladda Cadaado oo maamulkii Ximan-Xeeb ka talinaysay.

July 4, 2015- Sida nidaamka ahaa waxaa Madaxweyne loo doortay Cabdikariin Xuseen Guuleed isaga oo helay 49 cod, halka Axmed Macalin Fiqi oo ahaa musharaxii kula tartamayay wareegii ugu dambeeyay uu helay 40 cod. January 10, 2017 -Nasiib daro oo ku beegneed 1 sanno, 6 bilood iyo 6 beri una dhigantay (556 beri) ayaa Baarlamaanka Galmudug waxa ay xilka ka qaadeen Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ahaa nin dhalinyaro ah aadna ugu dhawaa Madaxweynihii Dowladda Federalka Xassan Sheikh Maxamuud isaga oo xaalad caafimaad dalka uga maqan.

May 3, 2017, oo ku beegneyd 3 bilood iyo 23 beri ka dib xil ka qaadistii Cabdikariin Guuleed una dhiganta (113 cisho) ayaa mar kale Baarlamaanka Galmudug wuxuu doortay Axmed Ducaale Geelle Xaaf isaga oo xilkaasi kula tartameen Musharaxiintii kala ahaa Prof. C/qaadir Shirwac iyo Axmed Shariif Cali Hilowle.

Maanta, September 26, 2017- oo ku beegan 4 bilood iyo 23 beri una dhigana ( 146 beri) Xildhibaanada Galmduug waxa ay xilka ka xayuubiyeen Axmed Ducaale Geele Xaaf iyadda oo 52 Xildhibaan u codeysay halka 2 Xildhibaan diideen 1 Xildhibaana ka aamusay. Tirada guud ee gollaha baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa ah 89 Xildhibaan. iyadda oo August 21,2017- Madaxweynaha xilka maanta laga qaaday Axmed Ducaale Geele Xaaf magacaabay Golihiisii Wasiirada oo ka koobanaa 52 xubnood kuwaasi oo isugu jira 22 wasiir, 22 wasiir ku xigeeno iyo 8 wasiiru dowlayaal.

Dhismaha Galmudug oo soo maray marxalado adag ayaa buuxin shuruuda laga rabay Dowlad xubin ka ah Dowladda Federalka sida ku cad dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Qodobkiisa 49aad, ee ka hadlaya Tirada, Xudduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyo Degmooyinka, Firqadiisa 6aad oo oranaysa ” Ugu yaraan laba gobol iyo ka badan ayaa ku midoobi kara Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyaga xor u ah go’aankooda.”

Aragti ahaan waxa aan qabaa in maantay Galmudug u baahan tahay in loo soo jeesto sidii loo bad-baadin lahaa maadama inta badan dhulka ay sheegto ay maamulaan Kooxdaha Al-Shabaab iyo Alhu-suunah, Alhu-suunahna gacanta ku hayso magaaladda Dhuusa-mareeb oo caasimad u ah Galmudug sida dastuurkeeda ku qoran.

Aragtida dhiibo, Aflagaado waa mamnuuc.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*