27th July 2024  admin  Category :

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku gaaray Qatar

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa gelinkii dambe ee maanta oo ah Talaado booqasho rasmi ah oo dhowr maalmood ah ku gaaray Caasimadda dalka Qatar ee Doha , iyadoo garoonka diyaaradaha ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Waaxda Hab-maamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar iyo Siihayaha Safaaradda Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa inta uu booqashada ku joogo dalkaasi waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Qatar si ay uga wadahadlaan sare u qaadidda xiriirka labo geesoodka, dardar-gelinta heshiisyadii hore loo saxiixay iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah oo dhan waliba ah oo nacfi wadaag u leh labada dhinac.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*