26th July 2024  admin  Category :

Ma qabsoomay la kulan siintii Galaydh iyo waftiga Ingirriska ah  ee Hargaysa ku sugan

Warar la isku hallayn karo ayaa sheegaya in Dr. Galaydh u tegey Hargeysa in lala kulan siiyo waiir ka socda wasaradda Iskaashiga caalamig ah ee dalka Ingiriiska iyo Safiirka waddanka Ingiiska u fadhiya Soomaaliya. Ujeeddadu waxay ahayn in xubnahan ka socda dalka Ingiriiska lagu qanciyo in gobollada Sool iyo Sanaag iyo Cayn ay la midoobeen Somaliland. Labada arrimood ee dooddaas saldhigga looga dhigayey waxay kala ahaayeen:-

1) Qaadashada kaadhadhka codbixinta oo si nabad ah uga socda gobolladaasi
2) In Dr. Galaydh oo mucaarad ahaa uu maanta Hargeysa joogo lana heshiiyey Somaliland.

Arrimaha kale ee Safarka Dr. Galaydh u weheliyey waxaa ka mid ahaa;  Taageero uu u doontay Hargeysa si aan Buuhoodle loogala wareegin.  Iyo inuu soo raad gato inta xiisadda Buuhoodle ka degeyso.

Wasiiru dawlaha caalamiga ah ee hormarinta afrika u qaabilsan ingiriiska ayaa kulamo la yeeshay xisbiyada maamulka somaliland iyaga oo kormeeray mashaariicda ay dawladda ingiriiska ka fulinayso SNM gaar ahaan magaalada Hargeysa

https://youtu.be/NwANQ8WuCbU

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*