27th September 2022  admin  Category :

Allaha u naxariistee wasiirkii wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim Maxamuud ayaa fiidnimada caawa ah ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Hindiya.

Marxuumka ayaa muddo 4 bilood kor u dhaafaysa xaalad caafimaad ugu sugnaa dalkaas isaga oo ay xaaladiisa caafimaad ka soo raynaysay maalmihii la soo dhaafay.

Madaxwaynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam, labada madaxwayne ku-xigeen, golaha wasiirrada iyo dhammaan xildhibaanada golaha shacabka Jubbaland waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo ehelladii uu ka baxay marxuumka, shacabka Jubbaland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed geeridan xanuunka badan ee wasiirka ku timid.

Hoygiisa jannadii fardowso Allaha ka dhigo Samir iyo imaan buuxana Allaha inaga wada siiyo.

ALLSANAAG.COM,NEWS@ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*