26th July 2024  admin  Category :

Maxamed Yuusuf Aw Libaax oo ahaa Wasiirkii Dhalinyarada iyo Isboortiga Maamulka Jubbaland ayaa caawa fiidkii u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay Saldhiga Booliska degmada Waabari.

Allaha u naxariistee Aw Libaax ayaa qaraxaas ka soo gaaray dhaawac culus, waxaana uu la sheegay in xilliga qaraxa dhacayay uu Wadada marayay.

Aw Libaax ayaa ka mid ahaa Mas’uuliyiintii Ururka Ahlu Sunna ee Gobolka Gedo, waxaa dhowr bilood ka hor loo magacaabay Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*