27th July 2024  admin  Category :

Wasiirka Qorsheynta XFS oo la kulmay Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Shire iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta, Mudane Muuse Maxamed Cismaan ayaa kulan miro dhal ah la qaatay Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Kristina Svensson.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa qodobada lagu qaadaa dhigay waxaa ka mid ahaa: sidii barnaamijka Bangiga Adduunku loo waafajin lahaa muhiimadaha Dowladda Soomaaliya, dardargelinta mashaariicda hadda socda ee Bangiga uu ka wado dalka iyo xoojinta istaraatiijiyadaha iskaashiga labada dhinac si loo sii ambaqaado dhammaystirka guusha deyn cafinta.

Wasiir Beenebeene ayaa uga mahadceliyay Bangiga Adduunka taageereada uu la garab taaganyahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo dhinaca kale Maamulaha Bangiga ay ka mahadcelisay wada-shaqeynta wanaagsan ee ay kala kulantay hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*