
24th February 2025 admin Category :
Wasiirka Qorshaynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey gobolka Sanaag, waxana soo dhoweyntiisa ka qayb galay Isimo, Cuqaal , guurti , dhalinyaro , haween , ciidamada kala duwan , Maamulka heer gobol heer degmo .
Wasiirka waxa weftigiisa ka mid ahaa Xildhibaano heer Federaal ah , Wasiiro iyo Xildhibaano Puntland ka mid ah , saraakiil iyo agaasimayaal .
Safarka Wasiirka oo runtii taariikhi ah wuxu booqday mashruuca barakaysan ee Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo , Jaamacada Maakhir , Xabsiga Dhexe ee qabyada ah iyo meelo kale oo shaqo horumarineed ka socoto.
Wasiirku intii aanu soo gaadhin waxa si diiran loogu soo dhoweeyey magaalooyinka Ceeldaahir , Cawsane , Midigale , Rad iyo Gumar .
https://youtu.be/vA616P0ioNo