8th September 2024  admin  Category :

Wasiir Soomaaliyeed oo qoraal uu qorat tirtiray, iyada oo la is waydiinayo wax ku khahsbi kara?

Dhowaan ayeey ahayd markii Isimada beesha Dhulbahante ay Villa Wardhiigleey kula kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow. Kulankaasi markii uu dhamaaday, isla markiiba Villa Wardheegleey waxa laga soo saary qoraal kooban oo laga ilaaliyey wax kasta oo looga caraysiinayo Beesha Isaaq iyo Cumar Geele.

Saacado ka hor kulanka madaxweynaha iyo Isimada, ayaa xarunta Qramada midoobey waxa ka soo baxay baaq loogu baaqayo maamulka Somaliland inay Ciidamadooda kala baxaan gobolka Sool.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow, oo loo doortay inuu isku hayo midnimada Soomaaliy, horayna uga gaabiyey inuu soo saaro baaq la mid ah kan qaramada midoobey ay soo saareen , ayaa mar kale gefay inuu Soomalida tuso inuu madaxweyne u wada yahay, sababtoo ah waxay ahayd in markii uu Isimada Sool hor fadhiyey inuu xoojiyo baaqa Qaramada midoobay, uuna u balan qaado Isimada in waxa caalamka intiisa kale codsadeen inuu ka shaqaynayo. Markii uu kulanka dhamaaday qoraalkan aan lagu xoojinayn in Somaliland ciidamadeeda kala baxaan gobolka Sool ayaa Villa Wardhiigleey laga soo saaray ” waa in fursad loo siiyaa gurmadka iyo gargaarka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka deegaanku, loona abuuro jawi ku habboon waan-waanta iyo xalka nabadda.

Fursadan madaxweynuhu markii horay gefay, hadana dhegaha ku cufaystay ayaa waxa ka faaiidaytay wasiirkiisa arimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cismaan Jaamac (Huruuse), oo wuxuu qoraal uu ku xoojinayo qaraarkii Qaramada midoobey soo dhigay hoyga uu Bulshada ku leeyahay . Isaga oo leh waa in ciidamada Somaliland ka baxaan gobolka Sool.

Wasiirka oo ku shaqeeya Muqdisho, oo magaaladaas xafiiskiisu ku yaalo, ayaa wax yar ka dib qoraalkii uu soo dhigay baraha Bulshada tirtiray oo ka saaray. Ilaa hadda lama oga sababta ku kaliftay in wasiirki tirtiro qoraalkiisa saxda ahaa oo Caalamka oo dhami la qabay, waxayse u badan tahay in madaxda ka saraysaa ayna doonayn wax ka caraysiiya Biixi iyo Cumar Geele.

https://allsanaag.com/imisa-xildhibaan-ayaa-la-dilay-intii-xasan-shiikh-uu-madaxweeynaha-ahaa/

Ugu danbayntii, waxa jira koox sadexaad oo ahayd inay hadlaan oo ka waramaan waxay kala kulmeen madaxda Soomaaliyeed markii ay la kulmeen , waana Isimada Dhulbahante. Isimada Dhulbahante ayaa Soomaalida iyo caalamka intiisa kale u sheegi kara in madaxweynaha Soomaaliya oo ay a kulmeen uu taageersan yhay qaraarkii Qarama midoobey ama la soo hadal qaaday

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*