20th September 2024  admin  Category :

Wasiirka maaliyadda oo khud-bad ka jeediyay Shirka Wasiirada Maaliyadda Dalalka Carabta

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta khud-bad ka jeediyay Fadhiga 31-aad ee Wasiirada Maaliyadda Dadalka Jaamacadda Carabta oo sanadkaan lagu qabtay Wadanka Algeria, caasimaddiisa Algiers.

Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa diiradda ku saaray hadal-jeedintiisii marxaladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Maaliyadda, dhameystirka deyn-cafinta iyo taageerada Wadamada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.
Sidoo kale Shirka Waxaa GoobJoog ahaa Safiirka Soomaaliya ee Dalka Algeria Mudane Cabdulwahaab Macalim Maxamed iyo Safiirka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta/ ahna Safiirka Soomaaliya ee Dalka Masar Mudane ILyaas Shiikh Cumar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*