26th July 2024  admin  Category :

Wasiirka Gobolka Sanaag oo mar walba ka imanaya beesha  Garaad cabdale qaadanayo ma Yahay  Hagbad la mid ah tan Maxamuud saleebaan ay isKu bed bedelaan maamulka Puntland?

Tobonkii sano ee ugu danbeeyey,  wasiirada Puntland ee ka soo jeeda gobolka Sanaag, dhamaantood waxay ka soo jeedeen beesha Garaad Cabdale ee Warsangeli.

Cabdulaahi Ilko jiir, Cali Faatax, Abshir Aw Yuusuf iyo wasiirka Cusub Cabdulaahi Maxamed Xasan ayaa dhamaantood ka soo kala jeeda  beelaha Bah Majeerteen, Bihi Idoor iyo Bah Ogayslabe ee Garaad Cabdale.

Image result for waiting for my turn gif

 

Hadaba  sida ay ku yimaadeen Wasiiradani  ma tahay HAGBAD la mid ah sida tan beelaysan ee wada tashishiga laga soo shaqeeyey  ku timaada  dd  beesa Maxamuud Saleebaan ku heshiiyeen  inay wax hgaamiyaan dadka intiisa kalena ay  u sacab tumaan,  oo markii labaad  labataan sano gudahood  ay beesha Cismaan Maxamuud ku soo laabatay hogaankii Puntland.

Jawaabtu waa Maya, dhamaan wasiiradan ka soo jeeda Beesha Garaad Cabdale ee Warsangeli   siyaabo  kala duwan ayeey xilka wasiienimo  ku qabteen, mana jirin heshiis beesha dhex martay oo lagu heshiiyey in beeliba  siyaasi ka soo jeeda ay Garowe u diraan

Arinta labaad waa caddalad darada ka jirta maamulka Puntland oo gobolka Sanaag uu ka  helay maamulka Puntland halka wasiir oo qura, Taasina ay keentay in beelo badani qadaan

Arinta sadexaad waaa  ALLSANAAG oo bulshada gobolka ku nool  dhexdhexaad u ah ayaan aaminsanayn in Wasiirka ka yimaada  Gobolka Sanaag  uuna ahayn  Hagbad, sababtoo ah Beeshii aanu sii  sheegnay duruufo jira awgeed  inuu ka yimaado wasiirka cusub ee socda ayaa maanta haysata  wasiirkaas

https://allsanaag.com/wasiirada-gobolada-sanaag-iyo-hayland/

 

Ugu danbayntii ninka aaminsan in Wasiirada gobolka Sanaag  uu ka yimaadaan uu    HAGBAD   waa khaldan yahay oo gudcur ayuu gudayaa ,  sababtu waa wasiirka uu  uu raadinayo  wuxuu kaga maqan yahay Garowe ee ha ka shaqeeyo sidii u soo dhacsan lahaa isaga oo midnimada ilaalinaya

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*