7th September 2024  admin  Category :

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Indonesia ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Maxamad Hery Saripudin.

Labada mas’uul ayaa waxa ay ka wada hadleen Ganacsiga labada dal iyo sidii la iskaga kaashan lahaa horumarinta dhinacyada Dhaqaalaha iyo Maalgashiga, isagoo Wasiirka warbixin guud ka siiyay Danjiraha fursadaha maalgashi iyo gamacsi ee uu dalkeenna leeyahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*