7th September 2024  admin  Category :

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed, ayaa magaalada London ee xarunta Dalka UK kulan kula qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii qurba joogta Soomaaliyeed ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta dalkooda Hooyo, iyagoo Wasiirka ka dhageystay warbixin ku aadan waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda Batroolka.

Wasiirka Batroolka Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa uga waramay Jaaliyadda Soomaaliyeed sida ay muhiimka ugu tahay dowladda inay shacabkeeda uga warbixiso xaalad walba ee uu dalku marayo.

Waxaa uu sidoo kale Wasiirka ka warbixiyay kheyraadka dalka ku jira ee ay Wasaaradda Batroolka hadda gacanta kula jirto sidii looga faa’iideysan lahaa, isagoo ugu dambeyntii xusay Wasiirku in Wasaaradda ay diyaarisay sharciyadii loo mari lahaa hanaanka looga faa’iideysan karo kheyraadka dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*