26th July 2024  admin  Category :

Wasiirka arrimaha gudaha X.F.S oo ka hadlay mowqifka Dowladda ee xaaladda magaalada Laascaanood

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa Shir Jaraa’id oo uu qabtay kaga hadlay mowqifka Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool.

Wasiirka ayaa Shirkiisan Jaraa’id, ku faafaahiyay mowqifka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xaaladda magaalada Laascaanood oo beryahii la soo dhaafay ay ka taagnayeen xaalado kala duwan.

“Dawladda Soomaaliya waxaa xil ka saaraan yahay ilaalinta mabaadi’da dastuuriga ah ee dhowrista midimada dhuleed iyo tan dadkeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna dawladdu iyadoo ka duulayso mabda’aas soo dhowaynaysaa rabitaanka iyo go’aanada dadka reer Laascaanod” ayuu yiri Wasiirka srrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*