26th July 2024  admin  Category :

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Kulan Sagootin La Qaatay Safiirka Qatar Ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac Huruse ayaa maanta kulan sagootin ah kula yeeshay xafiiskiisa Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya Mudane Xasan bin Xamza Asad Mohammed Hashim, oo shaqadiisii safiirnimo ee uu ku joogay dalka Soomaaliya siddeeddii (8) sano ee ugu dameysey soo gunnaanaday.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay xiriirkii iyo wada shaqayntii wanaagsanayd ee uu la lahaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo taageerada ay dawladda Qatar marwalba la garab taagan tahay dalkeena Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*