8th February 2023  admin  Category :

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay wafdi ka socday Dolwadda Jarmalka oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho, November 28, 2021 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa caawa Caasimadda Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka oo ka koobnaa Madaxa Qeybta Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Dr. Thorsten Hutter, oo uu wehelinayay Madaxa Qeybta Bariga Afrika ee Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta, Mudane Marcus von Essen.

Wasiirka iyo Wafdiga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka dheef wadaagga ah ee ka dhexeeya labada dal ee dhinacyada iskaashiga, ka wada-shaqaynta amniga, horumarinta iyo maalgashiga, sidoo kale waxaana intii uu kulanku socday lagu lafo-guray xaaladaha guud ee Gobolka Geeska Afrika, geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka iyo la dagaallanka burcad badeedda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*