29th March 2024  admin  Category :

Wasiirka ay umadda Soomaaliyeed  ku amaaneen howsha Qaran ee  uu ka wado caasimadda Soomaaliyeed  ee Muqdisho , oo ah  soo celintii  amniga, sumacaddii iyo sharaftii casimadeena, ayaa Caawa afur arintaas  la xiriirta  u sameeyey xildhibaanada beesha ugu badan ee degta magaalada  Muqdisho.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa afur u sameeyay Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ee ka soo jeeda Beesha Mudullood

Kulanka afurka ayaa la isku weydaarsaday talooyin iyo fikrado la xiriiray howlaha amniga dalka iyo arrimo kala duwan oo dalka ah, iyadoo Wasiirku uga warbixiyay qorshayaasha Xukuumadda uga degsan arrimaha amniga.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa sheegay in Xukuumadda ay wado dadaalo ay ku sugeyso Amniga dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho, waxaana uu u sharaxay Xildhibaanada qaabka uu u socdo howl galada xasilinta Caasimada.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo Senatarada ayaa ka mahad celiyay afurka uu u sameeyay wasiirka Amniga Gudaha, waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay kulamada oo kale in la isku weydaarsado wixii talo iyo tusaale ah.

Sidoo kale Wasiir Ducaale oo wada shaqayn fiican la leh maamul goboleedyada Soomaaliya , ayaa  la soo sameeyey maamulka Puntland oo  kala hadlay sidii wax loogu qaban lahaa dadkii dhowaan ku dhaawaxmay degaanada Af urur ee gobolka Bari iyo sidii looga wada shaqayn lahaa la dagaalanka argagixisada alshabaab

Allsanaag.xom

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*