27th December 2024 admin Category :
Wasiirka ay umadda Soomaaliyeed ku amaaneen howsha Qaran ee uu ka wado caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho , oo ah soo celintii amniga, sumacaddii iyo sharaftii casimadeena, ayaa Caawa afur arintaas la xiriirta u sameeyey xildhibaanada beesha ugu badan ee degta magaalada Muqdisho.
Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa afur u sameeyay Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ee ka soo jeeda Beesha Mudullood
Kulanka afurka ayaa la isku weydaarsaday talooyin iyo fikrado la xiriiray howlaha amniga dalka iyo arrimo kala duwan oo dalka ah, iyadoo Wasiirku uga warbixiyay qorshayaasha Xukuumadda uga degsan arrimaha amniga.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa sheegay in Xukuumadda ay wado dadaalo ay ku sugeyso Amniga dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho, waxaana uu u sharaxay Xildhibaanada qaabka uu u socdo howl galada xasilinta Caasimada.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo Senatarada ayaa ka mahad celiyay afurka uu u sameeyay wasiirka Amniga Gudaha, waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay kulamada oo kale in la isku weydaarsado wixii talo iyo tusaale ah.
Sidoo kale Wasiir Ducaale oo wada shaqayn fiican la leh maamul goboleedyada Soomaaliya , ayaa la soo sameeyey maamulka Puntland oo kala hadlay sidii wax loogu qaban lahaa dadkii dhowaan ku dhaawaxmay degaanada Af urur ee gobolka Bari iyo sidii looga wada shaqayn lahaa la dagaalanka argagixisada alshabaab
Allsanaag.xom