1st May 2024  admin  Category :

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir oo gaaray degmada Waaciye.

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo ka ambabaxay magaalada Boosaaso oo howlo shaqo u joogay ayaa tagay magaalada Waaciye ee gobolka Karkaar.

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa degmada Waaciye ee gobolka Karkaar markii uu gaaray booqday kaga qeybgalay kulan ka dhacay Isbitaalka degmada.

Isbitaalka degmada ayaa waxaa ka socday shir dib eegis loogu sameynayey mashaariicda Caafimaad ee ka socda gobolka Karkaar,waxaana ka qeybgalay dhammaan mas’uuliyiinta xarumaha Caafimaadka ee gobolka iyo madax kale.

Wasiir C/salaan Bashiir C/salaan ayaa ah Wasiirka Keliya ee Taageerada Buuxda ka haysta deegaanada uu kasoo jeedo oo Degmada Waaciye ay ka mid tahay,waana nin dhalinyaro ah oo firfircooni u leh Arimaha Shaqo ee Shacabka iyo deegaanada uu kasoo jeedo uu ugu metelo Xukuumada Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*