7th September 2024  admin  Category :

Wasiir hore oo laga ‘masaafuriyay’ Kismaayo isaga oo katiinadeysan oo ka hadlay waxa uu yeelayo

Wasiir kuxigeen hore oo laga masaafuriyay magaalada Kismaayo ayaa eedeeyn ujeediyay maamulka Jubbaland, oo uu sheegay inay tacadiyo u geysteen islamarkaasna ay Muqdisho ka dejiyeen isaga oo jeebeysan.

Mahad Sheekh Muxyadiin oo horey u ahaa wasiir kuxigeenkii hore ee wasaaradda Beeraha Jubaland ayaa eedda dusha uga tuuray madaxweynehiisii hore ee uu lixda snao la shaqeynayay. Waxa uu faahfaahiyay tacadiyo uu sheegay in loo geystay, kumanaan kun oo doolar oo laga qaatay, iyo waxa u qorsheysan ee uu hadda yeelayo. Xiriiro kala duwan oo aan la sameynay maamulka Jubbaland si ayuga falceliyeen eedeymaha loo jeediyay nooma suurtogelin in aan helno, laakiin saraakiil kale oo dowladda ka tirsan ayaa baraha bulshada uga jawaabay kiiska Mahad Sheekh.

Maxaa dhacay musaafurinta kahor Mahad Sheekh Muxiyadiin?

Mahad Sheekh ayaa BBC u sheegay in habeenkii jimcaha ay soo galeysay laga dhex qabtay xafiiska hay’adda nabad-sugidda Jubbaland ee Kismaayo, halkaas oo uu ku lahaa balan uu ku doonayay in uu ruqsad ugu helo xaflad uu sheegay in uu ku qaban lahaa magaalada.

“Waxaa xafiiska taliye xigeenka iigu soo galay koox hubeysan. Waxay igu bilaabeen dil, iyo inay isukey qabtaan, oo indhaha iga xiraan kadibna gaari ayay igu riteen,” ayuu yiri Mahad. Waxa uu sheegay in habeenkaas oo dhan lagu jirdilayay xarun ay leedahay nabad-sugidda Jubbaland, iyada oo la weydiiyay waxa uu ku keenay in uu ka hadlo muddo-xileedka dowladda.

Waxa uu sheegay in maalmo kahor uu magaalada Kismaayo ku qabtay shir uu uga hadlayay muddo xileedka dowladda Jubbaland ee uu sheegay in uu dhammaday, iyo in la qabto doorasho madaxweynenimo. Qaar kale oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeedda Jubbaland ayaa ku dooda in muddo xileedka madaxweyne Axmed Madoobe uu ku ekaa 22 bishan August 2023. “Habeen dhan ayaa la i jirdilayay, dhaawacyo xooggan ayaa la ii geystay, oo hadda ayaa dhakhtar u socdaa,” ayuu yiri Mahad.

Doodda ka taagan muddo xileedka Jubbaland

BBC
Qoraalka sawirka,Cabdi Cali Raage

Madaxweyne Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha ugu mudada dheer Soomaaliya ayaa Jubbaland ka talinayay tobankii sanno ee ugu dambeeyay, isaga oo kusoo baxay dhowr doorasho oo lagu muransan yahay. Cabdi Cali Raage oo ka mid ah ragga ugu dhow Axmed Madoobe oo isna horey looga masaafuriyay Kismaayo ayaa BBC u sheegay in madaxweynaha Jubbaland uu markale doonayo muddo kororsi hor leh.

Laakiin heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa dhigayay in dib loo dhigo xilliga doorashooyinka maamul goboleedyada Jubbalad, Koonfur galbeed iyo Galmudug.

“Waxa meesha yaalla waa wax iska cad dastuurka qodobkiisa 70-aad wuxuu si toos ah u qeexayaa in muudda xileedka baarlamaanka iyo madaxwaynaha uu 4 sano yahay, afartii sanana mar ay doorashada dhaceyso,” ayuu yiri. Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Axmed Madoobe ayaa ku doodaya in uusan sharciyad u heysan madaxweynaha xilka haya in uu markale u tartamo doorashada Jubbaland maadaama uu horey labo muddo xileed u dhammeystay.

Sidee ayay u dhacday musaafurinta wasiirka hore

Mahad Sheekh Muxyadiin

Mahad Sheekh ayaa habeen dhan oo ‘jirdil ah’ kadib subixii jimcaha la geeyay garoonka diyaarada ee magaalada Kismaayo, halkaas oo saacaddo badan lagu hayay qol shaqo oo garoonka ku yaal kahor inta aanan la isku dayin in xoog lagu saaro diyaarad u socota Muqdisho.

“Iyaga oo i jiidaya ayay isku dayeen inay xoog igu saaraan diyaaradda. Dhulka ayaan isku dhajiyay, oo waxaan ku qeyliyay ‘waa afduub’,” ayuu yiri Mahad. Taas ayaa horseeday, sida uu sheegay, in duuliyaha diyaaradda uu soo dego oo diido in uu qaado rakaab aan raali ku ahayn safarkas, taas oo keentay in safarka diyaarada saacado dib u dhaco.

“Mardambe ayay saraakiisha garoonka iyo duuliyaha isfahmeyn. Waxaana la igu soo daray sarkaal ka tirsan nabad sugidda oo kursi la ila fadhiisiyay,” ayuu yiri Mahad Sheekh.

Saraakiil booliska gobolka Banaadir, iyo saraakiil kale oo garoonka Muqdisho ka howlgalaya ayaa BBC u xaqiijiyay in Mahad laga soo dejiyay garoonka Muqdisho isaga oo jeebeysan, islamarkaas na uu la socdo sarkaal ka tirsan nabad suggidda Jubbaland. Sarkaal boolis oo garoonka Muqdisho jooga waxa uu sheegay in aysan jirin xog hore oo ay ka hayeen wasiirka lasoo musaafuriyay, sidaas darteedna ay fasaxeen in uu magaalada galo. Laakiin waxay boolisku xireen sarkaalkii galbinayay wasiir Mahad Sheekh inkastoo na loo sheegay inay dib ka fasaxeen. Ma aysan faahfaahin waxa ay ka yeelayaan sarkaalkaas, iyo in uu Kismaayo ku noqday iyo in kale.

Saraakiil kala duwan oo ka tirsan maamulka Jubbaland oo uu ka mid yahay wasiirka warfaafinta maamulkaas oo aan wax ka weydiinay eedaha iyo musaafurinta uu sheegtay wasiir xigeenkii hore ee beeraha iyo waraabka Jubbaland qaarkoodna way ka gaabsadeen, qaar kale oo uu ka mid yahay wasiirka warfaafinta waxa uu inoo sheegay in arrimahan ay yihiin kuwa amni iyo in aan la xiriirno Wasiirka Amniga oo uu sheegay in uu yahay qofka ka hadli kara arrimahaas.

Maxaa u qorshe ah Mahad Hadda?

Wasiir xigeen hore Mahad Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in uu hadda qorsheynayo in uu dacwad maxkamad ka furto gobolka Banaadir, isaga oo doonaya in maxkamadu u yeerto shirkada diyaarada ee soo qaatay, iyo saraakiisha nabadsugidda maamulka Jubbaland.

“In qof muwaadin ah laga musaafuriyo magaaladiisii ma ahan wax la aqbali karo. Waa in dowladda federaaka ah ay arrinkaan farageliso,” ayuu yiri Mahad Sheekh. Waxa uu intaas ku daray inay ka maqan tahay lacag dhan toban kun oo doolar oo uu sheegay in jeebkiisa laga la baxay. Mar aan weydiinay waxa keenay in lacag intaas la eg uu jeebka ku wato, waxa uu Mahad sheegay inay isugu jirtay lacag uu u waday hoteelka uu xafladda ku dhigan rabay, iyo lacagta lagu bixiyo ruqsada shirarka oo uu sheegay inay nabad-sugidda Jubbaland ku qaaliyeysay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*