26th July 2024  admin  Category :

Go’aamo ka soo baxay Villa Wardheegleey oo saamayn doonin Puntland

mtixaanka Shahaadiga ah ee dowladda Puntland, ayaa la xaqiijiyay in aysan wax saamayn ah ku yeelan doonin, go’aanno shalay ka soo baxay dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ka dhisan koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo ku saabsan hannaanka qaadista imtixaanaadka shahaadiga ah ee dalka.Ad by Valueimpression

Go’aanno wadajir ah, ooTalaadadii Shalay ka soo baxay kulan ay yeesheen wasaaradda Waxbarashada heer Federaal iyo kuwa maamul goboleedyada ka dhisan koonfurta Soomaaliya, waxa ugu muhiimsanaa in dowladda Soomaaliya soo diyaariso imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada sare (Form Four), halka dowlad goboleedyadana la siiyay in ay diyaariyaan imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe.

Balse, Xukuumadda Puntland oo ka maqnayd shirkaasi shalay, ayaa la xaqiijiyay in ay si madax-bannaan u qaadan doonto imtixaankeeda Shahaadiga ah, kaasi oo sida qorshaysan loo fariisan doono 30-May 2020, haddii ay saamaxdo duruufta, iyadoo hadba lagu salayn doono heerka uu marayo xanuunka COVID-19.

Dhammaan maadooyinka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland ayaa wakhtigaan diyaarsan, waxaana la dhammaystiray dhammaan hawlaha lagama maarmaanka u ah imtixaanka sida diiwaan-gelinta Ardayda, xarumaha lagu gelayo, macallimiinta ilaalinaysa iyo ID-kaarada Ardayda.

Sidoo kale, Casharradii ka harsanaa sannad-dugsiyeedka, waxay Ardaydu kala socdaan Telefishinnada, kadib markii dowladda Puntland hirgelisay barmaamijkaas, si loo dhammaystiro muqarrarka, maadaama goobihii Waxbaraashada loo xiray ka hortagga faafidda COVID-19.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*