
Wasaaradda Qorsheynta oo ku howlan u diyaar garowga diyaarinta Qorshaha 10aad ee Horumarinta Qaranka
3rd March 2025 admin Category :
Wasaaradda Qorsheynta oo ku howlan u diyaar garowga diyaarinta Qorshaha 10aad ee Horumarinta Qaranka
Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa ku yeeshay magaalada Muqdisho banbax labo-maalin ah (29-30ka Oktoobar, 2023), si loo dar-dargeliyo horumarinta qorshaha wasaaradda.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Farax (Beenebeene) oo uu weheliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa shir- guddoomiyay banbaxa labada maalin.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mohamed Shire, dhammaan Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan iyo lataliyeyaasha sare ayaa ka qeyb-galay banbaxa iyaga oo soo jeediyay talooyin iyo afkaar wax-ku-ool ah si loo sii ambo qaado guud ahaan gudashada waajibaadka ee Wasaaradda.
Banbaxa ayaa si guud diiradda loogu saaray arrimo istaratiiji u ah Wasaaradda iyo wax-qabadkeeda oo ay ka mid yihiin; Qorshaha 5ta sano ee Wasaaradda, u diyaar garowga diyaarinta Qorshaha 10aad ee Horumarinta Qaranka, isku-dubbaridka deeqaha caalamiga ah, xoojinta iyo tayeynta karaanka wasaaradda, iskaashiga guud, hannaanka kormeerka iyo qiimeynta qaranka, bahwadaagta horumarinta iyo qorsheynta dhaqaalaha deyn-cafinta kadib.
Kulanka banbaxa ayaa hoosta looga xariiqay baahida loo qabo dar-dargelinta fulinta waajibaadka Wasaaradda iyo in sare loo qaado kartida wasaaradda oo horseedi doonta isku-duwidda Qorshaha Horumarinta Dhaqaalaha (QHDH), si loo xaqiijiyo horumar dhaqaale oo waara.









