26th July 2024  admin  Category :

Wasaaradda Caafimaadka oo xaqiijisay afar kiis cusub oo Coronavirus

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay afar kiis oo cusub oo Coronavirus, kuwaasoo labo ka mid ay yihiin Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay inuu bilowday faafitaanka cudurka, afarta qof ee la xaqiijiyay ay ahaayeen dad aan xiriir dibadeed laheyn.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa xaqiijisay qofkii u horeeyay inuu u geeriyooday cudurkan, waxaana shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday inay guryahooda joogaan.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka:-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*