26th July 2024  admin  Category :

Wasaarada kaluumaysiga maamul goboleedyada oo hakiyay wadashaqayntii ay la lahaayeen Wasaarada kaluumaysiga DFS

Waxaa magaalada Kismaayo ee caasimada Jubaland kulan ku yeeshay wasaaradha kaluumaysiga maamul goboleedyada dalka waxayna sheegeen in ay xirrirki wadashaqayneed ee kala dhaxaysay Dawlada federaalka ah ee Soomaliya ay hakiyeen, Wasaarada waxay ay sheegeen in inta lag fulinaayo qodobka 1aad ee dastuurka dalka aysan wada shaqayn la yeelan doonin wasaarada kaluumaysiga dawlada federaalka ah, sidoo kalena aysan ictiraafi doonin dhamaan heshiisyada ay gesho, ayna u aqoonsan doonaan kaluumaysi sharci daro ah.

Wasiirada ayaa soo saaray warmurtiyeed ka kooban 4 qodob waxayna ku sheegeen in wasaarada kaluumaysiga ee maamul goboleedyada ay iska kaashan doonaan sidii loo dhisi lahaa gudigga arimaha kaluumaysiga ee maamul goboleedyada, kor u qaadida iyo tababarida kaluumaysatada iyo qodobo kale.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*