22nd December 2024  admin  Category :

Warshadii kalluunka ee Laasqoray ayaa waxaa dhisay Midoowgii Soofiyeet ayaa aheed mid qeeyb weeyn ka qaadatay dhaqaalaha dalka Soomaaliya. Heshiiska warshadda waxaa kalla saxiixday dawladdii Soomaaliya ee uu madaxweeynaha ka ahaa Aade Cabdalla Cismaan iyo dawladda Ruushka. Lacagta ku baxday xilligaas ayaa lagu qiyaasaa lacag dhan 42 milyan oo shillin Soomaali ah. Warshada wax soo saarkeeda waxeey billowday sannadkii 1970kii.  Warshadda ayaa soo saartay sannadihii 1973 illaa iyo 1974tii 614,165,400 qasac oo kalluun ah, maanta hadii la lacageeyo waxeey noqoneeysaa 500 oo milyan oo doolar oo ah hal sanno gudaheeda. Nus bilyan doolar waa lacag badan oo dalka looga faa’iideeyn karo.

Maanta Soomaalidu waxeey ku qanacsan yihiin dhawr kartoon oo daawo ah oo loo saaro diyaarad, dhawr kiiloomitir oo wadda ah oo dal hebel uu u dhiso, raashin yar oo markab loogu keeno, iyo xooggaa yar oo lagu kabo dhaqaalaha maamulada iyo dawladda. Su’aasha meesha taal ayaa ah goorta ay Soomaalida iska deeyn doonaan dawarsiga ay caadeeysteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*