26th July 2024  admin  Category :

Maxaa ku kalifay in Adan Xasan Cabdiraxmaan uu ku been abuurto Ruun Siciid Qorsheel oo ahayd sii hayaha safaaradda Soomaalida ee dalka Qadar.

Aadn Xasan, wuxuu ahaa shaqaale ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya oo ka shaqayn jiray xarunta Wasaaradda ee ku taal caasimadda Soomaalida ee Muqdissho inaatnu xil ka qaban safaaradda Soomaalidu ku leedhay dalka Qadar

Sababta uu Xasan Qadar u yimid ayaa ahayd in la xiray ka dib markii uu waraaqo been abuur ah iyo isdaba marin uu ka dhex sameeyey xarunta wasaaradda aimaha dibadda Soomaaliya , markii denbigaas loo xiray oo uu vabsiga ku jiro ayaa siyaasiyiin ka soo jeeda beeshiisa Mareexaan oo uu ka mid ahaa safiirkii Qadar Markaa joogay Taano waxay u tageen Madaxweyne Farmaajo, waxayna ka codsadeen in loo bedelo safaaradda Soomaalida ee dalka Qadar, markiiba Waa la bedelay oo xil ayaa looga magcaabay safaaradda Qadar ee Soomaalida oo waxa laga dhigay madaxa shaqaalaha.

Safaaradda ayaa bilihii ugu danbeeyey waxa sii haysey oo kusime ka sii ahayd Damjire Ruun Siciid Qorsheel oo laga soo bedwlay dalka Maraykanka. Shaqo fiican ayeey ka qabatay safaradda intii ay joogtay oo waxay wanaajisay xiriirkii labada dal gaar ahaan kan madaxweyne Xasan Sheekh iyo dawladda Qadar, oo markii hore u xirnayd kooxda M, Farmaajo i. Danjire Ruun, intii ay joogtay waxay ka sjaqaysay in madaxweyna iyo Ra/isulwasaaruhuba lagu casumo dalkaas oo si heer maqaam sare ah loogu soo dhoweeyo.

IMaalmo ka hor ayaa Sfaaradda Soomaalida ee dalka Qadar loo soo magcaabay Safiir lahu magcaabo Mohamed Sh. Doodishe oo ka soo jeeda beesha Madaxweyne Farmaajo, Markiiba Taageerayaasha Farmajo dal iyo dibadba waxa la bilaabay sidiiloo curyaamin lahaa lahaa in Madaxaweyne Xasan Sheekh saaxiibkiis u soo magcaabo safaaraddaxilka loo soo magcaabay

Madaxsii shaqaalaha safaarddda oo horay Muqdisho loogu xiray warqado been abuur ah oo uu samaystay ayaa la go’aansaday inuu qoro Warqad been ah oo aan waxba ka jirin oo ay ku ceebaynayaan Safiirkii hore, shakina lagu kala dhex abuurayo Safiirka cusub iyo Gabadhii horay xilka u siii haysay.

Ugu danbayntii warqadan Cabdi Xirsi uu umadda Soomaaliyeed dhexdeeda uu ku faafinayo waa been la doonayo in in sumacadda Qoys , sharaf iyo karaam lku leh umadda Soomaaliyeed magacooda lagu dilo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*