21st September 2024  admin  Category :

Wariyihii wareystay Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo la xiray

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa caawa xiray Wariye C/llaahi Kulmiye Caddow oo ka tirsan Idaacadda Kulmiye.

Wariye C/llaahi Kulmiye ayaa loo heystaa inuu faafiyay war lid ku ah amniga, kaddib markii wareysi uu ka qaaday Xaaji Abuukar Cumar Caddaan, sida saraakiisha amniga ay la xiriiriyeen xarigiisa.

Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ayaa wareysiga uu siiyay Idaacadda Kulmiye wuxuu ku taageeray mabda’a ay u taagan yihiin Al-Shabaab iyo in la laayo Ciidamada AMISOM iyo waxa la socda.

Wareysigan oo hordhaciisa laga sii daayay Barta Facebook ee Idaacadda Kulmiye ayaa gebi ahaanba la joojiyay.

Ciidamada Nabadsugida ayaa xalay gurigiisa kala baxay Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ah nin da’a ah oo naafo ka ah qaarka dambe ee jirka, kuna socda Kursiga dadka naafada lagu qaado, waxaana markii dambe loo wareejiyay Xabsi Guri ay ku ilaalinayaan Ciidanka NISA

Xaaji Abuukar oo la sheego inuu yahay wadaad mayal adagag, ayaa ka mid ahaa taageerayaashii Midowgii Maxkamadaha Islaamka ee sanadkii 2006 qabsaday  Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*