
21st February 2025 admin Category :
Wareysi: Puntland oo ka jawaabtay hadalkii Fiqi
Maamulka Puntland ayaa ka hadlay hadal ay dowladda federaalka Soomaaliya ku sheegtay in Puntland ay diiday in ay dowladdu ka caawiso dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish-ta Soomaaliya ee ka dagaallameysa deegaannada Puntland.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo ka jawaabayay wareysi uu shalay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, siiyay VOA, oo uu ku sheegay in Puntland aysan dowladda ka aqbalin caawinaadda dagaalka ay kula jirto Daacish, ayaa sheegay in dowladda ay ka aqbalayaan kaalmo walba oo dhab ka ah, balse ay hadda hadal kaliya ka hayaan.