8th May 2024  admin  Category :

Warbixin ka soo baxday dowladda Ingiriiska ayaa walaac ka muujisay xaaladda Soomaaliya

Warbixin ay soo saartay dowladda Ingiriiska ayaa waxaa aay walaac ka muujisay xaaladda dalka Soomaaliya iyo nidaamka kali talisnimo ee uu la soo baxay  madaxweyne Farmaajo. Warbixinta oo ku qoran afka Ingiriiska ayaa waxaa ay dowladda Ingiriiska isbarbar dhigtay hoggaankii . madaxweyniii hore Xasan Vulusoow  iyagoo ku ammaanay in uu Xasan Sheekh ahaa shaqsi ley karti hoggaan isla markaana muujiyay dulqaad badan intii uu xukunka hayay.

 

Waxaa warbixinta lagu sheegay in Culusoow  ahaa shaqsigii juhdiga badan geliyay in Soomaaliya ay ka hirgasho nidaamka Federaalka ah, iyagoo isbarbardhigay MW. Farmaajo iyo MW. Xasan Sheekh ayaa waxaa dowladda Ingiriiska ku eedeysay MW. Farmaajo in uu burburiyay nidaamkii juhdiga badan la geliyay ee lagu dhisay dowlad goboleedyada, waxayna si caro leh ugu eedeeyeen ku xadgudub xuquuqul innsaanka ah iyagoo sheegay in tan iyo markii xukunka uu la wareegay dalka ay ka dhaceen Qaraxyo waaweyn laguna dilay magaalada Muqdisho dad ka badan lix kun oo qof.

Warbixinta ay soo saartay dowladda Ingiriiska ayaa waxaa sidoo kale lagu eedeeyay Farmaajo in uu amnigii dalka uu faraha u geliyay shaqsiyaad aan aqoon iyo karti u lahayn, isagoo madax sare ka dhigay shaqsiyaad looga shakisan yahay in ay xiriir hoose la leeyihiin Shabaab.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay RW Kheyre in uu si bareer ah ugu tuntay sharciga isla markaana musuqmaasuqa xukuumaddiisa ay xarko goosatay.

Warbixintan ayaa soo baxaysa xilli uu aad u xumaaday xiriirka dowladda federaalka ah iyo dowladaha daneeya Soomaaliya iyo ururada ka howlgala Soomaaliya sida Qaramada Midoobay iyo ururka midowga Yurub. Waxaa sidoo kale la saadaalinayaa in shaqsiyaad ka mid ah dowladda Soomaaliya ay dhawaan geli doonaan liiska cuna qabateynta maadaama ay dowladda Soomaaliya kadhaga adeeygtay in ay jawaab ka bixiso warkhaddii ay Qaramada Midoobay u dirtay ka hor inta aan dalka laga ceyrin wakiilkii xoghayaha qaramada Midoobay Nicholas Haysom.

CBP-7298-1 (1)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*