28th March 2024  admin  Category :

Dagaal Warbaahineed ka dhex bilabmay Murashaxiin u wada tartamaya Xildhibaanka gobolka Sanaag ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Murashax Maxamed Cabdulaahi Qablan, oo ka soo jeeda Qoys aad looga yaqaano gobolka Sanaag iyo Guud ahaan Soomaaliya ayaa dhowaan wuxuu kaga dhawaaqay magaalada Ceelbuh ee gobolka Sanaag inuu u sharaxan yahay Xildhibaan gobolka Sanaag ee bulshada gobolka ku metelaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Ilaa maalintii Qablan ku dhawaaqay inuu sharaxan yahay ilaa maata waxa jira dagaal shaasheed iyo mid warbaahineed oo lagu weerarao, loogan shakisan yahay inay ku wadaan shakhsiyaad kale oo iyaguna doonaya Kursiga.

Dhowaan ayeey ahayd markii Odayaasha reerka uu ka soo jeedo Qablan ay u sheegeen isaga iyo Murashaxiin kale ee la tartamaya in arintooda ay Guddi u saareen ayna ka war sugaan go’aanka beesha iyo qofka ay iska soo dhex doortaan

Iyada oo la sugayey jawaabtii odayaasha ayaa maanta war been abuur ah oo sal iyo raad toona lahayn waxa la soo geliyey Baraha Bulshada. Kaas oo ah in Maxamed Qablan uu ka tanaasulay rabitaankiisii ahaa Xildhibaanka Qaran

Goor danbe oo maanta mar aan xidhiidh la samaynay Musharax xildhibaan Maxamed C/lahi Qablan ayaa beeniyey wararkan been abuurka ah oo ay soo dhigeen dad sita magacyo been abuura kuwaas oo sheegaya in musharax Maxamed C/lahi Qablan ka tanaasulay musharxnimadiisii ,
Musharaxa ayaa ku tilmaamay wararka noocaasa ” dadkaa soo dhigaya waxaa ka muuqata kalsooni daro ,waxaana ugu baaqayaa in ay ka waatoobaan wararka noocaasa”.

ALLSANAAF.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*