29th March 2024  admin  Category :

Wafdi uu horkacayo ergayga Qatar ee Soomaaliya oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi uu horkacayo ergayga Qatar ee Soomaaliya ayaa soo gaaray garoonka Aadan Cadde, waxaana halkaasi su diiran ugu soo dhaweeyey Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Balal Maxamed Cismaan iyo saraakiil ka tirsan Arrimaha Dibedda.

Ergaygan gaarka ah ee dalka Qatar usoo magacawday Soomaaliya Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar u qaabilsan la dagaallanka argagixisada iyo dhexdhexaadinta khilaafyada.

Ergaygan ayaa ka soo qayb qaatay dhexdhexaadintii Taliban iyo Maraykanka.

Qatar waxay xiriir dhow la leedahay dawladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*