29th March 2024  admin  Category :

Wafdigaan uu hogaaminayay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaadhiga Soomaaliya iyo saraakiil kala duwan oo ka socday qaybaha ciidanka Xoogga dalka, waxaana si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe.

Jeneraal Siciid Maxamed Xirsi “Siciid Dheere” Taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland oo soo dhaweeyay wafdiga Taliyaha ciidamada Xoogga ayaa xusay inay si gaar ah u qiimaynayaan socdaalka uu Taliyaha ku yimid deegaanada Puntland

“Sharaf wayn bay noo taahy in markii ugu horaysay tan iyo magacaabistiisii taliyaha cusub ee ciidanka Xoogga dalku uu yimaado deegaanada Puntland, waa mid aan si gaar ah ugu qiimayn doono taariikhda Taliyaha cusub, Puntland waa meel ay ka jirto nabadgalyo, horumar iyo isdifaac kooxaha dadka dhibaateeya” ayuu yiri taliyayaha ciidamada daraawiishat Puntland .

Taliyaha Guud ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod waxa uu ka mahadceliyay soo dhwaynta Garoowe loogu sameeyay, isagoo xusay in socdaalkiisa uu salka ku hayo isku dhafida ciidamada Xoogga dalka iyo ogaanshaha xaalada ciidamada Puntland .

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan nimaado dalkayaga meel ka mid ah, gaar ahaan Puntland oo ah meel ammaan ah sida uu sheegay Siciid, ujeedada aan u nimid waa laba arrimood midi koowaad ay tahay arrinta isku dhafka Ciidanka Xoogga Dalka midda kalana waa arrinta Gaalkacyo oo aan doonayno inaan ka gaarno arrinteeda xal kama danbays ah”.ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Agaasiaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Sonkor Jaamac Gaysre waxa uu si cad u sheegay in safarkooda Puntladn muhiim u yahay, isagoo fariin gaar ah u diray bulshada Gaalkacyo.

“Tani waxay calaamad u atahy barnaamijka horumarineed iyo ciidan ee Wasaaradda Gaahsaandhigga Soomaaliya, Puntland waxay u tahay calaamad aan doonayno inaan ku muujino muhiimadda ay Puntland leedahay Taliyaha oo isagu doortay booqashadii ugu horaysay in uu markii ugu horaysay ku yimaado Garoowe, waxaana arki doonaa dhammaanba xarumaha kala duwan ee ciimada Puntland, fariin Gaarana waxaan u wadnaa reer Gaalkacyo oo aan ka wadno dowladda dhexe iyo Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya anaguna aan damacsanahay inaan booqashadayada ku soo afjarno, reer Gaalkacyo dhagaha ha furtaan waxaan u baahanahay xal kama danbays ah”ayuu yiri Sonkor Jaamac.

Wafdiga Taliyaha ayaa inta ay ku suganyihiin deegaanada Puntland waxay kormeerid iyo u kuur galid ku samayn doonaan xaalada ciidan, iyagoo booqan doona Talisyada iyo fariisinada ciidamada kala duwan ee Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*