26th July 2024  admin  Category :

Wafdi ka socdo Jaamacadda Carabta oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi ka socdo Ururuka Jaamacadda Carabta oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa waxaa si diiran garoonka Diyaaradaha ugu soo dhoweeyay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS mudane Xamza Aadan Xaadoow, Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Masar ahna Wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Danjire Ilyaas Sheekh Cumar iyo Cabdullaahi Otobi oo ah Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.

Mas’uuliyintan oo ka kooban labo xubnood ayaa si kooban warbixin uga dhegeystay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Aadan Xaadoow iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar Danjire Ilyaas Sheekh Cumar oo si walaalnimo leh ugu soo dhoweeyay dalka.

Wafdigan ayaa dhambaal ay ka sidaan Jaamacadda Carabta gaarsiin doona Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*