17th October 2024  admin  Category :

Wafdi ka socda dowladda Qatar oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Wafdi ka socda dowladda Qatar ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug, iyadoo wafdigan isugu jiraan Saraakiil ciidan iyo Mas’uuliyiin ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Qatar.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa iyo Mas’uuliyiin kale.

Saraakiisha ka socota Qatar ayaa la filayaa inay la kulmaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalintio shalay dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb.

Qatar ayaa la sheegay inay dhaqaale ku bixin doonto  tababarka la siinayo Ciidamada Ahlusuna oo dhowaan lagu biiriyay Ciidanka xoogga dalka, iyadoo la xareyn doono, kaddib markii si rasmi ah loo diiwaan geliyay.

Diyaaradda nooca Milateriga ayaa Saraakiishan ka dejisay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb, taasoo la sheegay inay aheyd tii u horeysay nooceeda oo ka degta garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb

Qatar ayaa si weyn u taageerta dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, iyadoo la sheego in taageerada ay siiso ay isugu jirto mid dhaqaale oo toos ah iyo taageero dhanka Milateriga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*