18th April 2024  admin  Category :

Waajibaadyadii la meel mariyey

XAFIISKA RA’IISULWASAARAHA

  • 2015 – 20216, waxa ay ahaayeen sanado la qabtay lana hir-geliyey hawlo aad muhiim u ah saameyn dheerna ku yeeshay dib u hanashada xasiloonida Dalka, Dawlad-wanaaga, DImoqraadiyadda, iyo horumarinta Dalka Dhan walba.
  • Waa sanado lagu tallaabsaday waxqabad oo nalooga fadhiyo dardar-galinta Hiisiga 2016 iyo hawlaha kale ee ahmiyadda koowaad u leh dawladda.
  • Waa sanado lagu hagay Dalkeena waddada horumarka, caddaaladda iyo dimoqraadiyadda.
  • Hawlihii cuslaa ee qabsoomay waxaa ka mid ahaa:
    • Ka Xoreynta Nabad-diidka intii ugu badnayd Degaannadii ay ku sugnaayeen;
    • Dhamaystirka dhisidda maamul-goboleedyada;
    • Baahinta Adeegga Bulshada ee degaannada laga xorreeyey nabad-diidka; 
    • Dib-u-habeynta Caddaladda iyo Garsoorka;
    • Hir-gelinta iyo horumarinta barnaamijka dhaqaalaha. shaqo-abuurka iyo dhiiri-gelinta maal-gashiga shisheeye;
    • Waxaa la meel-mariyey Dawlad wanaaga, isla-xisaabtan. Daah-furnaan, isla markaana waxaa la tayeeyey waxqabadka hay’adaha Dowladda;

Guulaha Xukuumadda,

  • Xukuumaddaan waa mid kuguulaysatay daafacaadda midnimada Dalka iyo Dadka waxa ayna  matashaaa qeybaha kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed.
  • Xukuumaddan siyaasaddeedu waxay ku salaysn tahay nidaamka dawlad wanaagga, isla xisaabtanka, hufnaanta iyo sarreynta sharciga.
  • Xukuumaddu waxay dhiiri-gelisay wadatashi iyo wada-shaqayn joogta ah, ee dhexmartay Madaxda Dalka heer Federaal iyo heer Dawlad-goboleed, iyadoo mar walba la eegayo danta guud ee Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.
  • Hawlaha ugu horeeya ee Xukuumaddu mudnaanta siisay, waxaa ka mid ah:
    • Xasiloonida Siyaasadda
    • Dhameystirka dib-u-heshiisiinta
    • Fulinta Hiigsiga 2016ka
    • Adkeynta Aminga
    • Horumarinta Caddaaladda
    • La-dagaalanka musuqmaasuqa
    • Kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dakhliga dawladda
    • Kordhinta adeegga bulshada
    • Dadar-galinta dawlad wanaagga
    • Iyo dib-u-dhisidda iyo dib-u-habeynta Hay’adaha Dawladda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*