Waajibaadyadii la meel mariyey
XAFIISKA RA’IISULWASAARAHA
- 2015 – 20216, waxa ay ahaayeen sanado la qabtay lana hir-geliyey hawlo aad muhiim u ah saameyn dheerna ku yeeshay dib u hanashada xasiloonida Dalka, Dawlad-wanaaga, DImoqraadiyadda, iyo horumarinta Dalka Dhan walba.
- Waa sanado lagu tallaabsaday waxqabad oo nalooga fadhiyo dardar-galinta Hiisiga 2016 iyo hawlaha kale ee ahmiyadda koowaad u leh dawladda.
- Waa sanado lagu hagay Dalkeena waddada horumarka, caddaaladda iyo dimoqraadiyadda.
- Hawlihii cuslaa ee qabsoomay waxaa ka mid ahaa:
- Ka Xoreynta Nabad-diidka intii ugu badnayd Degaannadii ay ku sugnaayeen;
- Dhamaystirka dhisidda maamul-goboleedyada;
- Baahinta Adeegga Bulshada ee degaannada laga xorreeyey nabad-diidka;
- Dib-u-habeynta Caddaladda iyo Garsoorka;
- Hir-gelinta iyo horumarinta barnaamijka dhaqaalaha. shaqo-abuurka iyo dhiiri-gelinta maal-gashiga shisheeye;
- Waxaa la meel-mariyey Dawlad wanaaga, isla-xisaabtan. Daah-furnaan, isla markaana waxaa la tayeeyey waxqabadka hay’adaha Dowladda;
Guulaha Xukuumadda,
- Xukuumaddaan waa mid kuguulaysatay daafacaadda midnimada Dalka iyo Dadka waxa ayna matashaaa qeybaha kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed.
- Xukuumaddan siyaasaddeedu waxay ku salaysn tahay nidaamka dawlad wanaagga, isla xisaabtanka, hufnaanta iyo sarreynta sharciga.
- Xukuumaddu waxay dhiiri-gelisay wadatashi iyo wada-shaqayn joogta ah, ee dhexmartay Madaxda Dalka heer Federaal iyo heer Dawlad-goboleed, iyadoo mar walba la eegayo danta guud ee Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.
- Hawlaha ugu horeeya ee Xukuumaddu mudnaanta siisay, waxaa ka mid ah:
- Xasiloonida Siyaasadda
- Dhameystirka dib-u-heshiisiinta
- Fulinta Hiigsiga 2016ka
- Adkeynta Aminga
- Horumarinta Caddaaladda
- La-dagaalanka musuqmaasuqa
- Kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dakhliga dawladda
- Kordhinta adeegga bulshada
- Dadar-galinta dawlad wanaagga
- Iyo dib-u-dhisidda iyo dib-u-habeynta Hay’adaha Dawladda