29th March 2024  admin  Category :

Xeer illaalinta Puntland ayaa codsatay in xilka laga qaado Xildhibaan Cawil Daad, oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Puntland, si beey yiraahdeen maxkamad loo soo saaro. Hadaba, xildhibaanka qaladka uu sammeeyey muxuu yahay?

Xildhibaan Cawil Daad ayaa dhawaan su’aal weeydiiyey madaxweeynaha Puntland taas oo aheed mid aan munaasab aheeyn, waxeeyna u muuqatay mid xildhibaanka loo soo dhiibay ama looga soo qoray Villa Soomaaliya, mana aheen mid ka timid maskaxdiisa.

Sidaa oo ay tahay, xildhibaanka haddii uu qaldamo waxa uu xaq u leeyahay in loo sheego inuu raaligellin bixiyo, loo digo, lana siiyo fursad mar iyo labbo, waxaana xaq u leh la xisaabtankiisa horre isla baarlamaanka, mana jirto meel ay ka soo gasho xeer illaalinta ama boos uga bannaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxeey u egtahay in xeer illaalinta ay fullineeyso waxa uu madaxweeynahu rabbo, oo ah, in loo soo xirro ninka su’aasha qaldan weeydiiyey, kana xanaajyey. Hadaba, adduunka sidaa uma shaqeeyo, Puntlandna horey ugama dhicin madaxweeyne rabba inuu aarguto isagoo adeegsanaya ha’ayadaha kalle ee dawaladda.

Haddii dhaqanka noocaan oo kalle ah uu Puntland yimaado, waxeey Puntland noqon doontaa meel fawda ah, horseedi kartana burbur. Puntland ma ahan in laga dhigo meel aan sharciga ka shaqeeyn sida maamulka Hargeeysa oo ka jirta oo kalle. Waxaan la soconaa in maamulka Hargeeysa aysan ka jirin wax sharci ah iyo illaalinta xuquuqda aadanaha, waxaa la iska xiraa ciddii la doono; imisa qof ayaa maanta ku xiran xabsiyada Hargeeysa oo aan la garaneeyn sababta ay u xiran yihiin?

Marka Puntland ma ahan in laga dhigo meel aan sharci ka jirin, waxaana muhiim ah in la illaaliyo sharciga iyo kalla danbeeynta taas oo ah midda cid kasta deeqda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*