29th March 2024  admin  Category :

Maamul goboleedyada dalka ayaa ku baaqay ineey kulan isugu yimaadaan magaalada Garoowe. Tallaabadan ayaa ah mid lagu badbaadinayo dalka kadib markii caalamka iyo ummadda Soomaaliyeed ay isla arkeeyn qaska uu Ra’iisal Wasaare Rooble ka dhexwado dalka iyo ka weecashada hawlihii loo igmaday.

Ra’iisal wasaaraha waxa uu ka leexday shaqadii loo diray ee aheeyd in dalka doorashadiisa uu dhameeystiro, balse arrinta Ikraan ayaa u noqotay mid ra’iisal wasaaraha iyo saaxiibadiisa ay ka dhex kalluumeeystaan. Wuxuu xilka ka qaaday talliyii Nabad Sugidda, hadana wuxuu isku qaaday inuu xilka ka qaado wasiirkii amniga, markaas ayuu ka sii tegay oo uu isku qaaday wasaaradda maaliyadda, isaga oo shaqadii wasaaradaas ay laheedna si toos ah u faragashtay. Wuxuu isku dayey inuu awooddii dalka uu lahaa oo dhan uu hoostiisa keensado.

Waxaad arkeeysaa kuwo ra’iisal wasaaraha ku hareereeysan oo dhahaya madaxweeynaha waqtiisa wuu dhammaaday, baarlamaanka waqtigooda wuu dhammaaday, balse adiga oo ra’iisal wasaaraha ah oo kalliya ayaa dalka ka talliya. Waxaa kalloo aad maqleeysaa kuwo leh madaxweeynaha awooddii oo dhan ra’iisal wasaaraha ayuu ku wareejiyey taas oo ah mid aan waxba ka jirin. Ra’iisal wasaaraha oo is leh cidina waxba kaama qaadi karto ayaa billaabay inuu dawladnimadii dalka oo dhan uu ku dhex rafto.

Hadaba hadalkii ay soo jeediyeen beesha caalamka ee ahaa in heshiiskii doorashada ee la gaaray 17kii September, 2020kii ay ka soo warreegtay hal sanno ayaa looga gol lahaa in aan la aqbali Karin waqti lumis danbe, wuxuuna hadalkan si toos ah uu ugu socday ra’iisal wasaaraha oo loo arkay mid shaqadiisii oo dhan ku soo ururtay Ikraan, Ikraan. Gabadha ineey caddaalad hesho cidina ma diidana, laakiin gabadha arrinteeda ayaa ah mid iyada qudheeda ay ku hoos duugantahay shirqool siyaasadeeysan.

Fahad Yaasiin oo ahaa shaqsigii lagu eedeenayey arrinta gabadha ayaa lagu xannibay dalka Jabuuti, waxaana arrintaan la sheegay inuu ka danbeeyey ra’iisal wasaaraha. Adduunka waxaa la arki jiray qof danbi lagu tuhmayo oo la yiraahdo dalka kama bixi kartid, balse qof danbi lagu tuhmayo oo laga cellinayo dalka inuu ku soo noqdo ayaa ah arrin cajiib ah. Waxaa intaa dheer, hooyada gabadha dhashay oo maalin kasta muuqaal soo duubi jirtay ayaan ka hadlin cellinta la celliya Fahad Yaasiin. Maxeey hooyada gabadha dhashay ay uga hadli weeyday oo ay u eedeeyn weeyday ra’iisal wasaaraha iyo Jabuuti sababta ay u celliyeen Fahad Yaasiin oo lagu eedeenayo arrinta gabadhaas ahaana madaxii Nabad Sugidda?

Si kastaba ha ahaato, maamul goboleedyada dalka ineey shir isugu yimaadaan waa mid mar hore loo baahnaa si loo badbaadiyo dalka, loogana badbaadiyo ra’iisal wasaaraha ku dhex rafanaya dawladnimadii dalka. Shacabka Soomaaliyeed waxeey u baahan yihiin in dalkan uu ka baxo isqabqabsiga siyaasadeed, lana soo doorto madaxweeyne. Arrimaha doorashada waa in ay wada maamullaan dhammeeystirkeeda gudiyadii doorashada ee la soo magacaabay iyo maamul goboleedyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*