23rd December 2024 admin Category :
Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddiga Xalinta Dhacdadii geerida Suldaan Xasan Cali Jibriil.
Sixid baaritaan aanu samaynay, magaca ugu hooseeyaaisaga oo sax ah waa Nabadoon Siciid Cismaan Awaare
Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 22 Sep 2018 magcaabay Guddiga Xalinta Dhacdadii geerida Suldaan Xasan Cali Jibriil.
Xeer Madaxweyne Lr.199 ee Sep 22, 2018, kuna saabsan Xalinta Dhacdadii geerida Suldaan Xasan Cali Jibriil.
Madaxweynuhu Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu la Tashaday: Isimadda iyo Wargaradka Gobolka Sanaag
Markuu Garwaaqsaday: In loo baahan yahay in xal degdeg ah laga gaaro dhacdadaas
Wuxuu Xeeriyey:
Waxaa loo magacaabay guddiga hoos ku qoran oo ah xalinta dhacdadii geeridii Suldaan Xasan Cali Jibriil waxayna kala yihiin:
1. Garaad Cabdulaahi Cali Ciid (Guddoomiye)
2. Suldaan Ciise Maxamed Ciise
3. Suldaan Axmed Bashiir Ducaale
4. Islaan Xuseen Xaaji Cabdisalaam
5. Maxamuud Maxamed Ducaale (Xoghayn)
6. Sheekh Cabdulaahi Maclin Xasan (Qudubi)
7. Sheekh Siciid Cusmaan Cali
8. Nabadoon Siciid Cusmaan Cali
Xeerkani waxa uu dhaqan galayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACY-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND