18th October 2024  admin  Category :

Waa kuwee Magaalooyinka Soomaaliya ee ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee qaba HIV-AIDS

Sida ay daaha ka qaaday xog uu sii daayey xafiiska xakamaynta xanuunka HIV-AIDS ee Wasaarada caafimaadka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heerka cudurka ee Soomaaliya uu u muuqdo mid hoos u dhacaya.

Madaxa Mashruuca HIV_AIDS ee Wasaarada Caafimaadka Federalka Dr. Sacdiyo Cabdisamad Cabdilaahi oo BBCda la hadashay ayaa sheegtay in 6-dii bilood ee ugu horreysay sanadkan, guud ahaan Soomaaliya cudurka laga helay dad gaaray ilaa 438 ruux.

Tiradan ayaa ka dhigan, sida ay sheegtay mid muujinayso in dadaallada la sameeyey ay dhimeen kororka xanuunka, taasoo marka la eego xaddiga dalka ka dhigayso 0.1 boqolkiiba.

Dr sacdiyo waxay xustay in qiyaasta dadka la nool xanuunkan ee guud ahaan dalka ay gaarayaan 7,746 oo ruux, halka inta si rasmi ah ugu diiwaan gashan ee daawada qaata ay tahay 4,419 ruux ilaa dhamaadkii bishii june ee sanadkan.

Dadka u nugul xanuunka

DR SACDIYO CABDISAMAD
Qoraalka sawirka,Madaxa HIV-AIDS ee Wasaarada Cafimaadka Soomaaliya

Sida ka muuqata xogta xafiiska xakamaynta xanuunka waxaa jira calaamado muujinaya in wali ay jiraan dad u nugul xanuunka oo aad ay ugu badan yihiin kuwa isticmaala maandooriyaasha.

‘’Iyadoo HIV-AIDS ku dhici karo qof kasta ayaa haddana waxaa jira dad xununka u nuglaaan kara iyo dhaqamo qaarkood oo ay leeyihiin oo la xiriira inay u sahlanaadaan inuu soo gudbo cudurku, tusaalaha ugu wayn waxaa weeye oo hadda dalka ku soo batay dadka isticmaalaya daroogada cirbadaha laysku duro, hadaa fiiriso iyaga dadka kale waa ugu badan yahay” ayey intaas raacisay.

Magaalooyinka ay ugu badan yihiin dadka xanuunka qaba Soomaaliya

Warbixintu waxay kaloo shaacisay sida ay magaalooyinka Soomaaliya ugu kala badan yihiin dadka xanuunka qaba taas oo lagu qiimeyey baaxada iyo tirada dadka ku nool magaalooyinkaaas

Dr.Sacdiyo Cabdisamad waxay BBC u sheegtay in magaalooyinka Muqdisho, Hargaysa, Garoowe, Berbera iyo Bosaaso ay yihiin kuwa ugu badan ee ay ku nool yihiin dadka la nool xanuunka HIV-AIDS.

‘’Sida la yaqaan adduunka xanuunku wuxuu ku badan yahay magaalooyinka, sidaa darteed waxaa soomaaliya ugu badan Muqdisho waayo waa magaalo caasimad ah, maagaalo xeebeed, dad tiro badan ku nool yihiin, ganacsi badan ka jiro’’ ayey intaas raacisay.

Bah-wadaagta Wasaarada Caafimaadka sida Guddiga ka hortaga AIDS-ka Qaranka, dallada ay ku midaysan yihiin dadka xanuunka la nool iyo Hay’adaha taageera ayaa wadajirkooda ka dhigay mid yareeyey xanuunka guud ahaan dalka soomaaliya

‘’Waxa iyana calaamad fiican ah inay waayadan danbe badanayaan dadka tagaya goobaha lagu baaro xanuunka oo dalbanaya inay is baaraan ka hor inta aysan is guursan, taas oo muujinaysa fahanka bulshada ka qabto xanuunka iyo sida ay u doonayaan inay isaga ilaaliyaan’’.

Bashiir Cawad oo cudurka la nool

BASHIIR CAWAD
Qoraalka sawirka,Bashiir Cismaan oo la nool HIV-AIDS

Bashiir Cismaan Cawad oo sarkaal hore uga ka tirsanaa ciidanka Booliska Puntland lana nool xanuunka HIV-AIDS ayaa sheegay in warbixinta ay soo saareen xafiiska ay farxad galisay

‘’Ka sokow inaan la noolahay xanuunka mudo hadana waxaan ahay wacyi galiye bulshada ah oo isku xilqaamay inaan dadka uga digo xanuunka markasta iyo si kasta oo an awoodo. Dhalinyarada waxaan u sheegaa in xanuunkan yahay mid halis leh laakiin ay muhim tahay in laga taxadaro’’ ayuu yiri Bashiir.

Wuxuu intaa ku daray in hadda dadku wacyigooda iyo fahanka ay ka qabaan cudurka uu ka duwan yahay xiligii isaga uu ku dhacay oo ay gaartay in loola dhaqmo si aan wanaagsanayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*