26th July 2024  admin  Category :

Waa kuma Jeneral Birhanu Jula , taliyaha ciidanka Itoobiya ee sheegay in shacabka Soomaaliyeed jecel yihiin ciidankiisa?

Taliyaha guud ee Ciidamada Itoobiya, Jeneral Birhanu Jula Gelalcha oo la hadlayey warbaahinta ETV ee Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada dalkiisu ay qayb ka yihiin kuwa masuulka ka ah amniga Soomaaliya xilli labada dal ay u dhaxayso xiisad ka dhalatay heshiiskii MoU ee ay Addis Ababa ku gaareen Itoobiya iyo Jamhuuriyada iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Jeneral Birhanu Jula Gelalcha ayaa xusay in wax ka badan kala bar dhulka Soomaaliya ay gacanta ku hayaan amnigiisa ciidamada Itoobiya, islamarkaana ciidankooda uu qeyb weyn ka yahay nabadeynta Soomaaliya. “Ciidankii Itoobiya waa kuwii Muqdisho qabtay ” ayuu ku yiri waryasiga uu bixiyey.

Waxa uu sheegay in siyaasiyiintu aysan muujin xushmad la mid ah tan shacaka Soomaaliyeed u muujiyeen ciidamada Itoobiya ee gudaha u galay Soomaaliya.

Soomaaliya ayaan jawaab ka bixin hadalada uu sheegay Jeneralka Itoobiyanka ee sheegay in ay dhul balaaran Soomaaliya ay fariimo ku leeyihiin ciidamadoodu.

Dhul intee la eg ayay Ciidama Itoobiya kaga sugan yihiin Soomaaliya?

ITOOBIYA

iskahorimaadkii Koonfurta Kordofan horaantii Juun ee 2011-kii.

Maadaama ciidamada Itoobiya ay yihiin kuwa ugu badan howlgalka Qaramada Midoobay ee ‘UNISFA’ ayaa Jeneraalkan Itoobiyanka laga dhigay taliyaha ciidamadaasi.

Wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyey hawlgalka Qaramada Midoobay ee Laybeeriya, waxaana uu soo qabtay xilka Taliye qaybeed, sidaas oo kale wuxuu xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka iyo wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya.

Sanadihii 2006-dii ilaa 2009-kii, waxa uu ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga qaybta dhexe ee Itoobiya, halka Sannadkii 2010-kii, Birhanu loo magacaabay Taliyaha Qaybta Galbeed ee Ciidanka Itoobiya.

Jeneral Birhanu waxa sanadkii 2022-kii loo dalacsiiyey darajada Field Marashal oo ah mida ugu saraysa ciidamada taas oo ay si wadajir ah darajada u siiyeen Ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo madaxweyne Sahle-Work Zewde

Dhamaadkii sanadkii 2022-kii ayaa loo magacaabay Jeneral Birhanu taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya, ka dib xilal kala bedddelid uu ciidamada ku sameeyey Ra’iisul wasaare Abiy Axmed

Ninkan ayaa sidoo kale sheegeen hay’adaha xquuqda aadanaha in uu kaalin ku lahaa hogaaminta dagaaladii gudaha Itoobiya sida gobolada Amxaarada iyo Tigreega.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*