26th July 2024  admin  Category :

Waa kuma hoggaamiyaha askarta ee afgembiyay ‘ina adeerkiis’ mar dibad jooga ka dhigay?

Kadib markii Gen Brice Oligui Nguema uu xukunka ka qaaday madaxweynihii Gabon Ali Bongo, waxaa waddooyinka dalkaasi lagu arkayay ciidamadiisa u horseeday guusha, kuwaasoo ku dhawaaqayay “Oligui, madaxweyne! Oligui, madaxweyne!”.

Janaraalka oo 48 jir ah ayey u muuqataa in uu yahay nin ay shacabkiisu doonayaan maadaama ay askartiisa so dhaweeyeen, laakiin dad badan ayaa qaba in uu yahay hoggaamiye lama filaan ah.

Waxa uu 10 sano ku qaatay dalka dibaddiisa kadib markii ay eryeen kooxda Bongo oo ilaa Arbacadii xukumayay Gabon ku dhawaad 56 sano.

Soo laabashadii Gen Nguema, wuxuu si qunyar socodnimo ah ugu qabsaday booska ugu sarreeya ee ciidanka. Waxa uu maalmihiisa ugu horreeyay ku qaatay sidii uu u sii wadi lahaa taliskii Madaxweyne Cali Bongo.XAYEYSIINhttps://58029e15ddbf160b415da99ffe9ecc04.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html

Hoggaamiyaha cusub ee Gabon waxa uu ku dhashay gobolka Haut-Ogooué. Aaggan ayaa ah goob ay ku xooggan yihiin qoyska Bongo oo xitaa qaarkood ay sheegaan in Gen Nguema ay qaraabo yihiin Ali Bongo.

ligui Nguema

Gen Nguema waxa uu raacay aabihii oo waxa uu yeeshay xirfad millatari. Isaga oo aad u da’yar ayaa waxa uu ku biiray ciidanka xoogga badan ee Gabon ee Ilaalada Jamhuuriga, sidoo kale markii ugu horraysay waxa uu ku tababartay Akademiyada Milateriga ee Meknes Royal ee caanka ah ee dalka Morocco.

Sarkaalka da’da yar ee hamiga leh ayaa si degdeg ah u soo jiitay dareenka madaxda sare ee millitariga, waxaana uu noqday kaaliyaha madaxweynihii xilligaas Cumar Bongo oo ahaa Cali Bongo aabihiis.

Waxa la sheegay in Gen Nguema uu aad ugu dhawaa Omar Bongo, waxa uu u shaqaynayey taliskiisa ilaa uu ka geeriyooday 2009-kii.

“Waa qof aan hadda la fileyn in uu hoggaamiyo Gabon,” Edwige Sorgho-Depagne, oo ah falanqeeye siyaasadda Africa, una shaqeeya Amber Advisers, ayaa sidaasu ka yiri barnaamijka Newsday ee BBC.

Markii Ali Bongo uu xilka kala wareegay aabihiis 2009-kii, Gen Nguema ayaa laga eryay shaqadiisa. Hoggaanka cusub ayaa waxa uu bilaabay waxa ay warbaahinta maxaliga ahi ku tilmaamtay “masaafuris”, isaga oo ku dhawaad 10 sano ka shaqaynayay safiirna ka ahaa safaaradaha Gabon ee Morocco iyo Senegal.

Ninkan oo ah nin hawlkar ah ayaa mar kale ka soo muuqday masraxa siyaasadda dalka Gabon sanadkii 2018-kii, markaasoo uu bedelay madaxweynaha seeddigiis iyadoo loo magacaabay taliyaha sirdoonka ee Ilaalada Jamhuuriga.

Kadib lix bilood oo kaliya oo uu shaqada ku jiray, Gen Nguema waxaa loo dallacsiiyay madaxa Ilaalada Jamhuuriga. Waxa uu bilaabay dib u habayn si uu taliska hawshiisa aasaasiga ah uga dhigo mid wax ku ool ah iyo ilaalinta nidaamka.

Nin hore ula shaqayn jiray ayaa wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP u sheegay in janaraalku uu ahaa “nin la’isku raacsanyahay, oo aan waligii codkiisa kor u qaadin, qof walbana dhegaysta oo si nidaamsan u raadiya tanaasul”.

Wax yar kadib markii uu qaatay doorka cusub, Gen Nguema waxa uu bilaabay hawlgalka “gacmo nadiif ah”, kaas oo lagu doonayay in uu wax kaga qabto musuq-maasuqa iyo lunsiga hantida qaran.

Si kastaba ha ahaatee, Gen Nguema ayaa laftirkiisa lagu eedeeyay inuu uruursaday lacago dadweyne.

Baaritaan ay sameysay 2020-kii hay’adda Mareykanka ee la dagaalanka musuqmaasuqa ee OCCRP ayaa ku eedeysay Gen Nguema iyo qoyska Bongo inay qaateen hanti qaali ka ah gudaha Mareykanka iyagoo watay lacag caddaan ah. Janaraalka ayaa la sheegay in uu lacag gaareysa [$1m] hal milyan oo dollar ku bixiyay saddex guri.

Jawaabta Nguema ee warbixinta? “Waxaan u maleynayaa hadday tahay Faransiiska ama Maraykanka, nolosha gaarka ah waa nolol gaar ah oo waa in la ixtiraamo”.

ligui Nguema

Siddeed bilood ka hor, wakaaladda wararka qaranka ee Gabon ayaa sheegtay in Gen Nguema uu si cad u xaqiijiyey daacadnimadiisa madaxweynaha ee Ali Bongo, oo soo socotay muddo 14 sano ah.

Hase yeeshee Sabtidii, saacado yar uun kadib markii lagu dhawaaqay Cali Bongo inuu ku guulaystay doorashadii madaxtinimada ee lagu muransanaa, ayay millaterigu ku dhawaaqeen inay baabi’iyeen natiijada doorashada oo ay la wareegeen xukunka.

Iyadoo madaxweynaha uu ku jiro xabsi guri, General Brice Clothaire Oligui Nguema ayaa loo magacaabay hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Gabon.

Janaraalka ayaa u sheegay wargeyska Le Monde ee ka soo baxa dalka Faransiiska in dadka Gabon ay ka dharagsanyihiin xukunka Cali Bongo, isla markaana ay aheyd in madaxweynaha uusan mar kale isku soo sharrixin doorashada.

“Qof kastaa wuu ka hadlayaa arrintan, laakiin cidina mas’uuliyad iskama saareyso,” ayuu yiri. “Markaa ciidanku waxay go’aansadeen inay baddalaan hoggaanka.”

Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo Faransiiska ayaa cambaareeyay afgambiga oo ah kii sideedaad ee ka dhaca Galbeedka iyo Bartamaha Africa tan iyo 2020-kii.

Laakin Gen Nguema ayaa u muuqda in uu ka guuleystay qeybo badan oo ka mid ah taageerada dadweynaha. Waxa kale oo uu ku guulaystay in uu mideeyo ciidanka, kuwaas oo kala qaybsamayay.

Maadaama uu yahay nin lagu eedeeyay musuqmaasuq islamarkaana inta badan shaqadiisa ku qaatay xukuumaddii Bongo, waxaa laga yaabaa in uu noqdo bilow cusub oo dadka Gabon ay rajeynayaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxa lagu qori doonaa buugaagta taariikhda ee dalka Gabon isagoo ah ah ninkii “is bedelka sameeyayy”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*