3rd January 2025 admin Category :
Madaxweyne Gaas iyo Khaliif Ciise Mudan midkood ayaa noqon doona madaxweynaha soo socda ee Puntland
Khaliif Ciise Mudan, waa Murashaxa ay madaxweyne Gaas isaga hor iman doonaan wareega ugu danbeeya ee isreeb reebka doorashada soo socota ee maamulka Puntlan, sida saadaasha Allsanaag oo xogo badan soo ururisay sheegayso.
Khaliif Ciise Mudan inkasta oo ka soo jeeda beesha Cismaan Maxamuud ee Majeerteen kama mid ah, kamana mid ahayn qaswadayaasha Haraagii Jaamac Cali Jaamac oo qaarkood aaminsan inay tahay waqtigii ay iyagu qaban lahaayeenmhogaanka Puntland .
Mudan, wuxuu ka mid ahaa ganacsatadii ugu horaysay ee aaminay degankooda oo maal gashaday Puntland burburkii Soomaliya ka dib, Waxa lagu xasuustaa in shaqaalihii uu qoran jiray waqtiyadaasi ay ahaayeen dhamaan umadda ka soo jeeda Puntland oo qaarkood fursaddii ay maalintaa heleen ay maanta ka mid yihiin madaxda Puntland iyo aqoonyahanada Puntland.
Khaliif Ciise Mudan, burburkii Soomaaliya ka hor wuxuu ahaa Madaxdii ciidamada qalabka siday ee dawladda Soomaaliya, gaar ahaan sooma jeestayashii Diyaaradaha dagaalka duulun jiray
https://allsanaag.com/gaas-yuu-xilka-ku-wareejinayaa/